Wararka Soomaalida

Madaxweyne Geelle oo walaakiis geeriyooday

Published

on

Dalka Faransiiska ayaa shalay galab waxaa ku geeriyooday Allaha unaxariistee Sacad Cumar Geelle oo ah walaalka la dhashay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ka dib xaalad Caafimaad oo dhowaan loo geeyay dalka France bilowgii bishan.

Allaha unaxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle ayaa waxaa uu ahaa maamulaha Guud ee dekadda Jabuuti waxaana soo wajahay xaalad Caafimaad dalka Faransiiska ayuuna ku geeriyooday maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.

Geerida marxuumkan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Madaxweynaha maamulka,Puntland iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Dhamaan mas’uuliyiinta ayaa alle ugu baryay marxuum Sacad Cumar Geelle in ilaahay Janatul fardowso ka waraabiyo ehelkiisa oo ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa in ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah udiray madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuuna ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle in ilaahay samir ka siiyo.

Trending

Exit mobile version