Wararka Soomaalida

Madaxweyne hore oo dil toogasho ah lagu xukumay

Published

on

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan General Pervez Musharraf ayaa maanta maxkamad gaar ah waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii lagu heley dambi ah khiyaano Qaran isagoo ka maqan dalkiisa Pakistan.

Musharraf ayaa lagu eedeeyay in 2007 uu dalka ku soo rogay xukun deg deg ah isla markaana joojiyay dastuurka dalka isagoo ugu gol lahaa in uu dheereysto muddo xileedka.

Sadex qaadi oo qaadayay dacwadiisa ayaa ku heshay khiyaano Qaran inuu Pakistan ka galay Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan Pervez Musharraf iyadoo dambigaas maanta lagu helay Pervez Musharraf hakad ku jiray tan iyo sanadkii 2013-kii balse maanta lagu qaaday.

General Musharraf ayaa awooda Pakistan afgembi kula wareegay sanadka markuu ahaa 1999 waxaana wadanka uu xukumayay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2008-dii

Madaxweynihii hore ee Pajistan Pervez Musharraf ee hadda lagu xukumay dilka toogashada ah ayaa iminka wuxuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo dhowaan loogu ogolaaday inuu u aado arimo caafimaad.

Trending

Exit mobile version