Wararka Soomaalida

Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay wafdi QATAR ah+Sawiro

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda QATAR waxayna ka wada hadleen arimaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo wixii loo qaban lahaa bulshada Koonfur Galbeed ku dhaqan. Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdiga ayaa islameel dhigay habka loo fulinayo […]

Published

on

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda QATAR waxayna ka wada hadleen arimaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo wixii loo qaban lahaa bulshada Koonfur Galbeed ku dhaqan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdiga ayaa islameel dhigay habka loo fulinayo mashaariicda Dowladda QATAR ay ka fulinayso deegaanada Maamulkaas.

Wafdigan ka socday QATAR ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka QATAR ufadhiya Soomaaliya iyagoo ukuur galayay xaalada amaan iyo mida dhaqaale ee Maamulka Koonfur Galbeed.

“Maanta waxaa igu soo Booqday xafiiskayga wafdi uu hogaaminayay safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya waxaana ka wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda ay Dowladda Qatar ka fulinaysa deegaanada KG & sidoo kale Gacan wayn uga gaysan lahayd Caafimaadka& waxbarashada deegaanada Koonfur Galbeed”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version