Wararka Soomaalida
Madaxweyne Lafta Gareen oo ku howlan dhamaystirka Golahiisa Wasiirada
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada oo ka kooban 10 Wasiir. War uu si hoose u helay Wargayska Tusmo Times xafiiskii Muqdisho ayaa sheegaya in Lafta Gareen hadda uu ku howlan yahay dhamaystirka Golaha Wasiirada inta ka dhiman. Wasaaradaha banan ee wali aan […]
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan magacaabay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada oo ka kooban 10 Wasiir.
War uu si hoose u helay Wargayska Tusmo Times xafiiskii Muqdisho ayaa sheegaya in Lafta Gareen hadda uu ku howlan yahay dhamaystirka Golaha Wasiirada inta ka dhiman.
Wasaaradaha banan ee wali aan lamagacaabin ayaa waxaa ka mid ah Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta, Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Caafimaadka.
Wasiiradan 10 ka kooban ayaa ah xubno ubadan Xildhibaanada Maamulkaas waxaana ku jira qaar ka mid ah Wasiiradii Shariif Xasan Sheekh Aadan markii uu madaxweynaha ka ahaa Maamulkaas.
Dhinaca kale waxaa muran uu ka taagan yahay magacaabista Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed cida lasiin lahaa.
War aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo xiriir hoosana laleh Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen muddo labo bilood ah uu dib udhigay magacaabista ku xigeenkiisa ka dibna markii ay dhamaato muddada labada bilood ah la hor gayn doono Golaha Baarlamanka Magacaabista Madaxweyne ku xigeenka iyo qodob ku qoran Dastuurka Maamulkaas oo muran ka taagan yahay.
Waxaa intaas dheer oo baaritaan ku soo ogaanay in Madaxweynihii hore ee Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan Dastuurka Maamulkaas uu ku daray in Maamulka uu yeelankaro labo Madaxweyne Ku xigeen.
Arrintaas oo ka dhalatay booq iyo kacdoon awgeed ayaa ugu wacan Sababta dib udhaca ku keenay magacaabista Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Koonfur Galbeed.
Dastuurka qodobka tilmaamaya in Labo Madaxweyne ku xigeen uu yeesho Maaulkaas ayaa ku xusan in Madaxweyne ku xigeen Kowaad ay yeeshaan Beesha Dir Biyamaal ee degta Shabeelada hoose iyo kan labaad oo ku xusan beelaha Hawiye gaar ahaan Gobolada dhexe waxaana ka taagan muran iyo Isfahan waa ku aadan sida la,isuwaafijinayo hadafka Lafta Gareen oo tilmaamaya in hal Madaxweyne ku xigeen uu yeesho Maamulka iyo qodobkan Dastuurka ku xusan.
Liiskan Waa liiskii dhowaan la soo saaray ee 10 kii Wasiir oo sidoo kale ay ku jiraan rag dhalinyaro aqoon yahano ah oo ka baxay Jaamacadaha ku yaalla dalka Macalamiin wax ka dhiga Jaamacadihii ay ka baxeen iyo xarumo waxbarasho kalaba iskuugajira.