Wararka Soomaalida
Madaxweyne Lafta Gareen oo Tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed 14 October awgeed
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa shacabka Soomaaliyeed tacsi udiray dhamaan umadda Soomaaliyeed 14 October qaraxii weynaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho sanadkii 2017-dii sidoo kale eheladooda samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo.
Lafta Gareen ayaa inta wali lataahaysa musiibadaas ilaahay ubaryay inuu uboogo dhayo dhibkana ka saaro umadda Soomalaiyeed guud ahaan.
“Umadda Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyaynayaa dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Isgooyska Km5 ee Magaalada Muqdisho laba sano ka hor maanta oo kale. Waxa ay ahayd maalin murugo leh oo aanan marnaba la iloobin karin. Dadkii ku dhintay qaraxaas Eebbe naxariistiisa haka waraabiyo”
Qaraxii soobe ka dhacay 14 October sanadkii 2017-dii ayaa weli quluubta shacabka Soomaaliyeed ka tirtirmin.