Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud oo dalbaday in la sii daayo

Published

on

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ku xiran xabsi ku yaala Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta markale waxaa la soo taagay Maxkamad waxaana loo haystaa inuu galay dambiyo xagga bini,aadanimada ah intii uu xulka hayay wuxuuna dafiray in wax dambi ah uusan ka gelin shacabka Soomaali State ee uu Madaxweynaha ka ahaa intii uu xilka hayay.

Garsooriyaasha Maxkamadda ayaa Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu ka codsaday in xoriyadiisa loo soo celiyo oo xabsiga laga sii daayo maadaama uusan gelin wax faldambiyeed ah sida codsigiisa udhigay waxaa kaloo uu sheegay in shacabkaas Soomaalida ah siwanaagsan u hogaamiyay intii uu Madaxweynaha ka ahaa Ismaamulka.

Xeer ilaaliyaasha iyo garsooriyaasha Maxkamada ee Kiiskiisa Gacanta ku haya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxay weydiiyeen su,aal ah dadkii faraha badanaa ee lagu ciqaabijiray Xabsigii Jeel Ogaadeen ee ku yaalay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida cida asaga ka saraysa ee amarkaasi bixin karta inuu cadeeyo.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii su’aashaasi la weydiiyay waxaa isbedelay wajigiisa wuxuuna ka muujiyay dareen xooggan ka dibna galay qadar yar oo aamusnaan ah ka dibna wuxuu ku jawaabay inuusan wax dambi ah gelin amar lagu dhibaataynayo bulshadana soo saarin xabsigana laga daayo wixii dhacayna uu ka xun yahay.

Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa intaas ka dib waxaa dib loogu celiyay Xabsiga waxaana lagu wargeliyay in arintiisa dib loogu laabanayo ka dibna go,aan laga gaari doono.

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaali State ayaa waxaa la xiray sanadkii hore 2018-kii 27 bishii August ka dib markii baarlamanka Ismaamulkaasi ay xasaanada ka qaadeen isaga iyo xubno ka mid ahaa maamulka iyagoo ku eedeeyay inay galeen gabood fallo bini,aadanimada ah ka dibna waxaa garbadoob uxiray Ciidamada Itoobiya sidaasna xabsiga lagu dhigay

Trending

Exit mobile version