Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay kufsigii iyo dilkii caasho

Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa si dareen uu ku dheehanyahay uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee lagula kacay gabadha yar ee aan gaarin dada Qaan gaarinimada ee intii la kufsaday ka dibna la dilay haddana hoyga ehelkeeda habeen madow la soo hordhigay. Falkan foosha xun ayaa waxaa uu dhawaan ka dhacay […]

Published

on

Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa si dareen uu ku dheehanyahay uga hadlay dhacdadii foosha xumayd ee lagula kacay gabadha yar ee aan gaarin dada Qaan gaarinimada ee intii la kufsaday ka dibna la dilay haddana hoyga ehelkeeda habeen madow la soo hordhigay.

Falkan foosha xun ayaa waxaa uu dhawaan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaana lagula kacay Caasho ilyaas aadan oo jirtay dada 12 sanno sida ay sheegayeen ehelada saqiirkaas xadgudubka intaas la,eg lagu sameeyey.

Caasho ilyaas aadan ayaa waxaa afduubtay koox burcad ah seddax maalin ka hor waxaana markii raq iyo ruux la waysnaa gabadhaas yar habeen madow la soo dhigay Maykeeda Hoygooda hortiisa.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dhacdadan shaqsiyaan si weyn u taabatay wuxuuna ugu baaqay Madaxda Maamulka Puntland in cadaaladda la hor keeno shaqsiyaadkii falkan ka dameeyey.

“Runtii waa i taabatay waana ka damqaday kolkii aan dhageystay dhibaatada foosha xun leh ee jirdilka, kufsiga iyo dilka ee la gula kacay gabadha yar ee la yiraahdo Caaisha ee 11ka jirka ah, magaalada Gaalkacyo gudaheeda.
Hablaha oo ah ubaxii nolasha iyo iftiinkeeda, ubadka oo ah mustaqbalkii barito in tacadiyadaas iyo gaboodfalkaas oo kale loo geysto waa waxaan loo adkeysan karin.
Haddaba waxaan mas,uuliinta Maamulka Puntland, madaxda iyo waxgaradka reer Gaalkacyaba u soo jeedin lahaa in dadkii falkaasi geystay cadaaladda la horkeeno si looga abaal mariyo xumaanta ay u geysteen gabadhaas dhalaanka ah ee aan waxba galabsan”

Dhinaca kale waxaa arrintan si weyn ugu hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni wuxuuna sheegay in falkan kuwii ka dambeeyey cadaaladda la hor keenayo sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Iyadoo dunida marba marka ka sii dambaysa ay ku sii talaabsanayso horumar ayaa haddana Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacaya wax aan qof bini aadan ah damiirkiisa aanay ogolaanaynin wax la,is qabadsiinkaro ma,ahan horumarka dunadan aan ku nool nahay ka jira iyo waxa nahaysta

Waxaa dhawaan Gaalkacyo ka dhacay fal naxdin iyo argagax leh runtii waa wax laganaxo damiir xumida ay kula kaceen koox damiir laawiyaal ah gabadha yar ee Qaan gaarka ahayn ee 12 sanno jirka ahayd ee lagu magacaabayey Caasho ilyaas Aadan

Runtii waa fal wuxuushnimo ah waxaan dhaar ku marayaa in laga hari doonin kuwaas waan soo qabanaynaa cadaaladda ayaana la hor gaynayaa waa balan ilaahay”ayuu hadalkiisa ku soo xiray Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Dhacdadaas ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay ka dib markii la kufsaday Caasho ilyaas Aadan ayaa waxaa ka dhalatay caro xoogleh.

Laamaha amniga Gaalkacyo oo baaritaan ku sameeyey maydka gabadhaas yar ayaa waxay sheegeen in hadda wixii ka dambeeya ay ku rajo weyn yihiin in ay soo qabtaan raggii falkaas ku kacay dib baaritaankii qalabka Caafimaadka ee ay ku sameeyeen maydka gabadhaas yar waxay sheegayeen in ay heleen astaamo raad raac leh.

Falkaas ayaa waxaa uu ka dhacay dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo Dhinaca Maamulka Puntland.

Maydkii Caasho ilyaas aadan ayaa maanta lagu aasay qabuuro ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version