Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Masar oo xabsiga ku geeriyooday

Maxamed Mursi Madaxweynihii hore ee dalka Masar ee la,Afgambiyay ka dibna xabsiga la dhigay sanadkii 2013-kii ayaa maanta ku geeriyooday Xabsigii in muddo ah ku xirnaa ee yaala Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar. Mursi ayaa xilka Madaxweyne waxaa loo doortay 24 Juun sanadkii 2012-kii ka dib ka cdoonkii shacabka Masaarida halsano ka dib waxaa […]

Published

on

Maxamed Mursi Madaxweynihii hore ee dalka Masar ee la,Afgambiyay ka dibna xabsiga la dhigay sanadkii 2013-kii ayaa maanta ku geeriyooday Xabsigii in muddo ah ku xirnaa ee yaala Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Mursi ayaa xilka Madaxweyne waxaa loo doortay 24 Juun sanadkii 2012-kii ka dib ka cdoonkii shacabka Masaarida halsano ka dib waxaa Afgambiyay dowladiisii Madaxweynaha hadda talada dalka Masar haya Cabil Fataax Alsiisii oo markaas ahaa Jannaraalka xukumayay Ciidamada Masar.

Maxamed Mursi ayaa muddo ku dhax xanuunsanaa xabsigii la dhigay ee Magaalada Qaahira muddo ku siman 7 sano ayuu ku xirnaa Xabsiga Qaahira maanta oo taariikhda ku beegan tahay 17-6-2019-ka ayuu geeriyooday asagoo maxbuis ah Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi.

Marxuum Maxamed Mursi ayaa hadda jiray da,da 68 sano wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa bishii August 8-1951 wuxuuna ku dhashay Sharqiya ee dalka Masar wuxuu ka dhashay qoys wadaado ah hantina lahaa.

Wuxuu ka baxay Jaamacadda Masar University wuxuu ka qaatay shahaadada master degree sidoo kale waxaa uu shahaado markale ka qaatay University of Southern California.

Maxamed Mursi ee geeriyooday ayaa ka hor Madaxweynimada Masar ka tirsanaa Ururka Ikhwaanu Mulimiin ee dalka Masar xooga ku lahaa iyadoo markii dambe Gudoomiyaha Ururkaas loo doortay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku geeriyooday Maxkamadda Qaahira ku taala ka dib markii maanta la hor keenay Maxkamadaas ka dibna marxuumka Wadnaha ay istaageen sidaasna uu ku geeriyooday.

Doorashadii Madaxweyne ee uu ku soo baxay Maxamed Mursi ayaa waxay timid ka dib kacdoonkii shacabka Masar 2011-kii xilkiina looga tuuray Madaxweynihii muddada 30 sano ah xukumayay dalkaas Masar Xusni Mubaarak.

Madaxweynaha hore ee hadda geeriyooday ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa waxaa lala xiray qaar ka mid ahaa wasiiradii iyo saraakiishii dowladiisa ka mid ahaa iyadoo mararbadan dil toogasho ah lagu xukumay asaga iyo Saarkiisha qaar xukunkii ugu dambeeyayna waxaa lagu riday sanadkii 2015-kii iyadoo markii dambe xabsi daa,in loogu bedelay saaraakiisha qaar halka Maxamed Mursina lagu celiyay in markale xukunkiisa Maxkamadda dib u eegis ku samayn doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version