Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Nigeria oo gaaray Hargaysa+sawiro

Magaalada hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa shalay waxaa gaaray Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo wafdigaas si weyn loogu soo dhaweeyey Hargaysa. Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo wafdiga uu hor kacayo ayaa waxay kulan ku wada qaateen Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ee hargaysa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse […]

Published

on

Magaalada hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa shalay waxaa gaaray Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo wafdi uu hogaaminayo iyadoo wafdigaas si weyn loogu soo dhaweeyey Hargaysa.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo wafdiga uu hor kacayo ayaa waxay kulan ku wada qaateen Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ee hargaysa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,ku xigeenkiisa iyo Golaha wasiirada ee Maamulkaas.

Wafdiga Olusegun iyo kuwa Soomaaliland ayaa ka wada hadlay arimo farabadan oo ku saabsan dhaqaalaha,amaanka iyo siyaasadda Soomaaliland.

Olusegun Obasanjo iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa markii kulamada Hargaysa usoo idlaadaan ay soo gaari doonaan Magaalada Muqdiaho sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya.

Safarka Olusegun Obasanjo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria ee hadda safarka ku jooga Hargaysa iyo kan lafilayo inuu ku yimaado Magaalada Muqdiaho ayaa waxbadan laga ogayn ujeedka uu xambaarsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version