Wararka Soomaalida

Madaxweynihii hore ee Soomaali State oo markale Maxkamad la soo taagay

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore  ee Maamulka Soomaali State iyo 46 qof oo kale ayaa lagu eedeeyey kicinta shacabka Soomaali State iyo eedeymo kale ka dib maxkamad maanta markale la soo hor istaajiyey. Cabdi Maxamuud Cumar iyo raggan kale ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in iyagoo maxaabiis ah si farsamaysan ay ula xiriireen shacabka Soomaali […]

Published

on

Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore  ee Maamulka Soomaali State iyo 46 qof oo kale ayaa lagu eedeeyey kicinta shacabka Soomaali State iyo eedeymo kale ka dib maxkamad maanta markale la soo hor istaajiyey.

Cabdi Maxamuud Cumar iyo raggan kale ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in iyagoo maxaabiis ah si farsamaysan ay ula xiriireen shacabka Soomaali State ka dinba ku dhiiragaliyey in ay sameeyaan kacdoon iyo rabshado sida maanta laga hor sheegay maxkamadda la soo istaajiyey.

Madaxweynihii hore ee ismaamulka Soomaalida itoobiya ayaa waxaa uu wajahayaa eedeymo farabadan oo ay kow ka yihiin xasuuq shacab iyo ku xadgudubka haweenka iyo arrimo kale oo culculus wuxuuna ku xiran yahay Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee  Caasimadda Itoobiya.

 

Eedan cusub ee loo soo jeediyey Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo maalmahaamba qas iyo jah-wareer rabshado ay ka taagan yihiin Magaalada Jigjiga ee caasimadda Maamulka Soomaali State.

Rabshadahaas oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah kagadaal markii Ciidamada Amxaarada iyo shacabka ay isku dheceen Ciidamadaas Amxaarada,ah oo la sheegay in shacabka ay u,adeegsadeen Rasaasta nool nool.

Wali waxaa qas iyo jawi aan fiicneen ku jirta Magaalada Jigjiga iyadoo laamaha amniga ee maamulkaasi ay ku soo rogeen Magaalada Bandow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version