Wararka Soomaalida
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo markii uga horaysay dhaliil ujeediyey Madaxda hadda dalka Maamusha
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Wareysi siiyey Jariiradda The Stander ayaa markii uga horaysay dhaliil ujeediyey Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya ee hadda dalka xukunta. Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan Aas-Aasay Xisbiga Himilo Qaran oo ah Xisbi Siyaasadeed ayaa waxaa uu sheegay markii uu […]
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Wareysi siiyey Jariiradda The Stander ayaa markii uga horaysay dhaliil ujeediyey Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya ee hadda dalka xukunta.
Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan Aas-Aasay Xisbiga Himilo Qaran oo ah Xisbi Siyaasadeed ayaa waxaa uu sheegay markii uu arkay awood la,aan uu sheegay in ay haysato Madaxda hadda talada dalka haysa in rajo gelisay inuu ku soo laabto Siyaasadda sida uu Warka udhigay Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in uu yahay Musharax doonaya in markale uu istijaabiyo si uu ugu guulaysto markale Hogaanka talada dalka sanadka 2020ka xiliga doorashada.
Madaxweynihij hore ee Soomaaliya Waa uu sii hadlay Waxaa kale uu intaas ku daray hadalkiisa in Mudadii uu kursiga ku fadhiyey ee uu dalka amarkiisa ka shaqaynayey intii u dhaxaysay sanadihii 2009 ilaa 2011 kii uu ku guulaystay inuu dib u soo nooleeyo nabada iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu yiri”Waxaan dadaal u geli doonaa sidii beesha caalamka ay qeyb uga qaadan lahayd xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Shariif Sheekh Axmed oo intaas ku daray in talaabadaas ay tahay mida kaliya ee looga hortegi karo kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.
Waxaa kaloo uu yiri Shariif Sheekh Axmed”Calanka ayaan u qaadi doonaa xisbiga Himilo Qaran marka la gaaro doorashada 2020 Waxaan dareen-sanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Waa markii ugu horaysay oo Shariif Sheekh Axmed uu ku hadlo hadal duraya Madaxda Soomaaliya isla-markaana uu ula hadlo si adag hogaanka hadda ka taliya Soomaaliya haysa uuna ku eedeeyo soo celin la ‘aanta Amniga iyo nabadda wadanka Soomaaliya.