Wararka Soomaalida
Madaxweynihii hore Galmudug oo ka hadlay weerarkii Hotel Global
Cabdixakiim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa wuxuu si kulul ucambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday Hotel Global ee koofurta Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo Ciidan ka dib gaari waxyaabaha qaraxa lagu soo raray oo lagu weeraray Global Hotel.
Cabdixakiim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa utqcsiyadeeyay ehelada shacabkii iyo Ciidankii ku dhintay weerarkaas ka dhacay Hotel Global isagoo sidoo kale alle ubaryay inuu uboogadhayo intii shacab iyo Ciidan ahaa ee dhaawaca ka soo gaaray.
Xalay magaalada Gaalkacyo dhankeeda koofureed ayaa waxaa ka taagnaa xaalad kacsanaan ah ka dib markii aaga Hotelka la weeraray Korontada ka go’day.
Gaariga lagu weeraray Global Hotel ayaa waxaa la sheegay in noociisa uu ahaa Cabdi-Bile ka dibna lagu dhuftay Albaabka laga galo hotelka.
“Waxaan Cambaareynayaa falkii arxan la’aanta ahaa ee xalay lagu qarxiyay kolinyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta ee CXD Soomaaliyeed xili ay marayeen agagaarka Hotel 5-star ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay dad badani ku naf waayeen kuwa kalana dhaawacyo ka soo gaaray waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay iyo intii ku dhaawacantay qaraxaasi waxaana Allaah uga baryayaa inuu Caafimaad deg deg ah siiyo waxaan ugu baaqayaa hay’adaha amaanka magaalada Gaalkacyo in dadaal badan ku bixiyaan adkeynta amniga sidoo kale waxaan shacabkana ka codsanayaa in ay gacan ka geystaan amniga deegaanka ayna garab istaagaan hay’adaha Amaanka”ayuu ku soo gabagabeeyay qormadiisa Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug.
Qaraxii xalay ka dhacay 5-Star ama Hotel Global ee ku yaala dhan koofureed ee magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug xili sida la sheegay Hotelka la weeraray at ku sugnaayeen taliyaasha Lugta iyo 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka ee kala aha Jannaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Jannaraal Cabdicasiis Qooje balse ka badbaaday weerarkaas.
Qaracaasi lagu weeraray Hotel Global ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 12 qof oo iskuuga jira Shacab iyo Ciidan halka dhaawaca uu gaarayo 20 ruux oo shacab iyo ciidan iskuuga jira.