Wararka Soomaalida
Madaxweynihii hore oo dhiig ushubay dhaawacyada Muqdisho+sawiro
Xassn sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee Horay loo oronjiray Digfeer ee Magaalada Muqdisho wuxuuna halkaas ku bixiyey dhiig uu ugu talogalay dadka qaba dhaawacyada kala duwan wuxuuna u rajeeyey in ilaahay Caafimaad deg deg ah siiyo dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo iyana dhiig ugu deeqay dhaawacyada […]
Xassn sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee Horay loo oronjiray Digfeer ee Magaalada Muqdisho wuxuuna halkaas ku bixiyey dhiig uu ugu talogalay dadka qaba dhaawacyada kala duwan wuxuuna u rajeeyey in ilaahay Caafimaad deg deg ah siiyo dhamaan dhaawacyada ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo iyana dhiig ugu deeqay dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogan Senator Cismaan Axmed Macow iyo xildhibaan Zakariye Gaashaan oo dhiig shubida kadib saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibtii kasoo gaartay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho, ayagoo si wadajir ah shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan argagaxisada caadeysatay leynta shacabka Soomaaliyeed sidii la,iskiiga dulqaadi lahaa.
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga nabad iyo horumarka Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiinta xisbiga ee la socday ayaa maamulka Isbitaalka ka codsaday in dadka danta yar ee aan heli karin qarashaadka loo fududeeyo oo aan wax qarash ah lagu xujeyn, maamulka Isbitaalka ayaana arintaas ka garaabay balana ku qaaday ineysan kharash ku xujeyn doonin dhaawacyada loo keeno.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay musiibo Qaran, loona baahan yahay in garab istaag loo muujiyo dadka dhaawacmay, isagoo Al-shabaab ugu baaqay iney joojiyaan weerarada maatida lagu leynayo oo uu sheegay inaan dan siyaasadeed iyo dano kale toona lagu gaareynin ficilada guracan.
Siyaasiyiinta mucaaradka badankood ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraalo ay ku cambaareynayaan weerarkan, iyagoo ku baaqay in dowlad iyo shacab loo midoobo sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab waxaana ka mid ah xubnaha warka soo saaray gudoomyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame madaxweynihii hore ee Somalia ahna Gudoomiyaha xisbiga Himilo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xildhibaan Mahad Salaad iyo xubno kale.