Wararka Soomaalida
Madaxweynihii hore oo loo diiday inuu aado Kismaayo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta laga hor istaagay inuu usafro Magaalada Kismaayo ka dib markii Ciidamada amaanka ka hor istaageen inuu raaco diyaarad usocotay magaalada Kismaayo si uu ugu qayb galo Caleemasaarka Axmed Madoobe oo lagu wado inay dhacdo 24 bishan September.
Hakinta safarkii Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay muran iyo isjiijiid dabadheeraaday iyadoo ugu dambayntii Madaxweynihii hore laga reebay inuu raaco diyaaradii usocotay Magaalada Kismaayo.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka yimid dalka Turkiga si uu ugu qayb galo caleema saarka Axmed Axmed Madoobe waxaana amar lagu siiyay Shariif Sheekh Axmed inuusan aadi karin Kismaayo sidaas ayuuna kaga haray diyaaradii uraaci lahaa Kismaayo.
Warkan ayaa waxaa Wargayska Tusmotimes la wadaagay mid ka mid ah Saraakiisha qaabisan duulista hawada Soomaaliya nagana codsaday inaan adeegsan magaciisa xiligaasina ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Laakiin warkan ku aadan in Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadda ah Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran laga hor istaagay inuu ka qayb galo caleema saarka Axmed Madoobe ayaa si buuxda uxaqiijin karin sax ahaanshihiisa iyadoo ilaa hadda wax war ah oo ku saabsan warkan ka soo bixin Shariif Sheekh Axmed.
Amarkan lagu hakiyay safarkii Kismaayo uu ku aadi lahaa Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii maanta amar ka soo baxay waaxda duulista rayidka amar la duldhigay dhamaan Shirkadaha duulimaadyada ee aadaya Kismaayo ka hor intaysan aadin ku soo wargeliyaan waaxda qaabilsan duulista Hawada rayidka Soomaaliya.