Wararka Soomaalida

Madaxweynihii Sudan oo la afgambiyey

Cumar Xasan Al Bashiir Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa maanta waxaa xilkii ka qaaday Ciidanka Milatariga dalka Sudan ka dib cadaadis xoogleh oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka dalkiisa ay ka wadeen guud ahaan dalka Sudan kaasoo Cumar Xasan Al Bashiir looga soo hor jeeday. Saaka waaberigii ayaa waxaa xafiiska Madaxweynaha dalka […]

Published

on

Cumar Xasan Al Bashiir Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa maanta waxaa xilkii ka qaaday Ciidanka Milatariga dalka Sudan ka dib cadaadis xoogleh oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka dalkiisa ay ka wadeen guud ahaan dalka Sudan kaasoo Cumar Xasan Al Bashiir looga soo hor jeeday.

Saaka waaberigii ayaa waxaa xafiiska Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ku soo kalahay Milatariga Sudan ka dibna uu wargeliyey in si deg deg ah xilka ugu dego isuna casilo.

Cumar Xasan Al Bashiir ayaa la sheegay inuu diiday dalabka Milatariga Sudan kadibna waxay Ciidanku xoog ugu saareen Xafiiskiisa iyagoo geeyey Guri gaar ah,halkaas oo lagu ilaalinayo.

Wasiir difaaca dalka Sudan Cawad Maxamed Axmed AUF ayaa talafeshinka Sudan u xaqiijiyey in Milatariga Sudan xukunkii ay ka tuureen Madaxweynihii muddada dheer xukumayey dalka Sudan Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir.

Madaxweynihii hore ee Sudan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya oo ilaalinaya Ciidamada sirdoonka Sudan waxaana markii xaalada halkaas ay mareyso Cumar Xasan Al Bashiir uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha dalka Sudan.

Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir ayaa dalka Sudan xukumayey 30 sano ka dib markii afgambi uu ku qabsaday dalkaas 1989 kii asagoo Jannaraalka xukuma Ciidanka Milatariga Sudan ahaa.

maanta oo Taariikhda ay ku beegan tahay 11-4-2019ka ayaa asaguna afgambi xilkii looga tuuray Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version