Wararka Soomaalida

Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Soomaaliland oo hambalyo diray

Ka dib markii maanta Ra’iisul wasaare cusub loo doortay dalka Ingiriiska loona doortay Boris Johnson ayaa waxaa hambalyo qoraal ah si wada jir udiray Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Farmaajo ayaa uhambaleeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka UK Boris Johnson wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha […]

Published

on

Ka dib markii maanta Ra’iisul wasaare cusub loo doortay dalka Ingiriiska loona doortay Boris Johnson ayaa waxaa hambalyo qoraal ah si wada jir udiray Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uhambaleeyay Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka UK Boris Johnson wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray Ololihii uu usoo galay xilkan maanta loo doortay sidoo kale wuxuu ku booriyay in uu la yimaado karti iyo firfircooni shaqo sidoo kale uu mideeyo shacabka Ingiriiska ee ku kala aragti duwan ka bixitaanka midowga reer Yurub.

“Waxaan halkan Hambalyo leeyahay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska Mudane BorisJohnson ka dib markii maanta loo doortay inuu noqdo Raii,sal Wasaaraha cusub ee Boqortooyada Ingiriiska,anigoo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guud ahaan shacabkayga oo dhan aadbaan ugu faraxsanahay xilka laguu doortay waxaan kuu rajaynaynaa shaqo fiican iyo karti ku salaysan dowlad wadaag iyo shacab wadajir ah,aniga iyo shacabkayguba waxaan diyaar unahay in aan kuugu ducayno howsha culus ee laguu doortay in sidii loogu talagalay ugu soo baxdo waxaan diyaar unahay wada shaqaynteena labada dowladood si aan u uyeelano mustaqbal weyn oo dhaxmara labada shacab ee waddamadeenna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hambalyadan udiray Boris Johnson Ra’iisul wasaaraha cusub ee UK ayaa ujeediyay Boris Johnson inuu la yimaado shaqo ku dhisan hab aqliyaysan sidoo kale uu dardar geliyo arimaha horyaala ee ah qaabkii shacabkiisa umidoobi lahaayeen iyadoo hadda shacabka Ingiriiska ay ku kala rayi duwan yihiin ka bixitaanka midowga reer Yurub.

“Anigoo ah Madaxweynaha Somaliland iyo dadkeedaba waxay halkan ugu hambalyeynayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska mudane BorisJohnson ka dib markii maanta laguu doortay in aad noqdo Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka cusub iyo Raiisel Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Waxaan u rajeyneynaa saaxiibkayaga fog ee taariikhiga ah iyo xulufada Boqortooyada Midowday dhamaan guusha maanta ay gaareen”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada caalamka ee sida aadka ah ay ugu nool yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed waana tan keentay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi si isku mid ah ugu hambalyeeyaan guusha uu gaaray Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version