Wararka Soomaalida

Madaxweyniyaashii hore oo Kismaayo gaaray

Published

on

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa galabta ka degtay diyaarad siday Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed,Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka socda Xisbiga Wadajir ka dib diyaarad qaas ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wafdigan ay horkacayaan Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Axmed Maxamed Madoobe labadiisa ku xigeen Cabdikariim Xuseen Guuleed,Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweyniyaashii hore maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Xildhibaanada mucaaradka labada aqal baarlamanka soomaaliya ka tirsan ee bilooyinkamba ku sugnaa Magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa Kismaayo ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah bulshada Kismaayo ku nool looguna talagalay inay soo dhaweeyaan martida ku qul-qulaysa Kismaayo iyagoo qaarkood xirnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waxaan si nabad ah kusoo gaarnay aniga iyo wafdigii xisbiga Himilo Qaran ee ila socdey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubaland, waxaanna uga mahad celinaynaa reer Jubaland madax iyo shacab sida Soomaalinnimada leh ee ay noo soo dhaweeyeen,mudada aan joogno waxaan ka qayb geli doonnaa caleema saarka Madaxweynaha la doortey ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) innaga oo sidoo kalena kulamo la yeelan doonna qaybaha kala duwan ee bulshada Jubaland”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version