Wararka Soomaalida

Madoobe iyo James oo shir Jaraa’id ku qabtay Kismaayo qodobana soo saaray

Published

on

Madaxweynaha Jubbaland ee wali aqoonsiga helin Axmed Maxamed Madoobe ayaa maanta Aqalka Martida ee magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen arimaha doorashooyinka 2021-ka iyo Khilaafka dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe sidoo kale arimaha deyn cafinta Soomaaliya dhamaystirka Dastuurka iyo qodobo kale.

Kulankan ayaa waxaa Axmed Madoobe ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada Jubbaland.

Axmed Maxamed Axmed Madoobe oo ka hadlay dayn cafinta Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan midnimada Soomaaliya oo kaliya in deynta looga caginayo.

Axmed Madoobe oo ka hadlay arimaha dhamaystirka Dastuurka ayaa wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahnaa.

Arimaha Doorashooyinka 2021 ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin wuxuuna xusay in doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban isla markaana saamaxayn in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ee xubanaha ka ah dowladda dhexe iyo saamileeyda siyaasadeed ee dalka.

Khilaafka Dowlada Federaalka iyo asaga udhaxeeya ayuu ka hadlay Axmed Madoobe wuxuuna sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali dowlada Federaalka ay wado faragalinta ay ku hayso maamulka Jubbaland taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ku hayso Gobolka Gedo.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano xaalada nabadeed ee ka jirta Jubbaland waxaa kaloo uu intaas hadalkiisa ku daray in Axmed Madoobe ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2021 ee Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al shabaab sidii loogu midoobi lahaa.

Tusmotimes.com

Trending

Exit mobile version