Wararka Soomaalida
Magaalada Gaalkacyo oo Afduub uu ka dhacay
Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa xaafad ka mid ah Gaalkacyo laga Afduubtay Sadex Dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo. Afduubkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay dhinaca Maamulka Putland sida ay inoo xaqiijiyeen ilo warkoodu lagu kalsoonaan karo. Waxaana ka dhacday Afduubakan wiilasha xiisad,Raga […]
Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa xaafad ka mid ah Gaalkacyo laga Afduubtay Sadex Dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Waqooyiga Gaalkacyo.
Afduubkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay dhinaca Maamulka Putland sida ay inoo xaqiijiyeen ilo warkoodu lagu kalsoonaan karo.
Waxaana ka dhacday Afduubakan wiilasha xiisad,Raga laga Afduubtay ayaa la iisheegayaa in loohaysto in ay ku lug yeesheen arrimo la xiriira Burcad Badeednimo,kuwaas hadda kuxiran Xabsi Ku yaala Magaalada Garoowe.
ilaa hada majirto cid kahadashay ee ka tirsan labada Maamul ee Galmudug Iyo Puntland,wuxuuna Arinkaan kuusoo beegmayaa xili uu Magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahey Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf.