Wararka Soomaalida
Magaalada Garowe oo Bandow lagu soo rogay
Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa galabta lagu soo rogay Bandow soconaya ilaa Doorashada Madaxweynaha ay ka dhamaato. Taliyaha Amniga Doorashada Maamulka Puntland S/Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadley Bahada Wararka Baahisa ee ku sugan Garowe ayaa sheegay in Magaalada Garowe uu saran yahay Bandow laga bilaabo 5:00Pm ilaa beri […]
Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa galabta lagu soo rogay Bandow soconaya ilaa Doorashada Madaxweynaha ay ka dhamaato.
Taliyaha Amniga Doorashada Maamulka Puntland S/Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadley Bahada Wararka Baahisa ee ku sugan Garowe ayaa sheegay in Magaalada Garowe uu saran yahay Bandow laga bilaabo 5:00Pm ilaa beri inta ay ka dhamaanayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Taliye Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa intaas Warkiisa ku daray in Magaalada Garowe ay ka mamnuuceen in ay soo galaan Gawaarida uga imaanaya Gobolada sidoo kale aaney jiri doonin wax ka baxaya Magaalada dhaq-dhaqaaqa Magaaladana ay xadidantahay.
Magaalada Garowe ayaa waxaa gudaha iyo daafaheeda ladhigay Ciidan aad ufarabadan waxayana sugayaan amaanka guud ee Magaalada maadaama beri ay dhacayso Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.
Ciidamadan farahabadan ee galabta lagu arkay Garowe gudaheeda iyo hareera heeda ee markii hore lagu aqoonin arrimahan hadda ku soo kordhay Magaalada ayaa Taliyuhu ku sheegay in maalinta beri ah Garowe ay ka dhacayso Doorasho muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntlan-ka ah sidaas awged ay adkeeyeen amaanka Magaalada si aaney wax rabshado ah udhicin.
Doorashada beri ka dhacaysa Magaalada Garowe ayaa waxaa isha kuwadahaya Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyadoo waliba Wakiilo usoo dirsadeen Doorashadaas kuna sugan Garowe iyo Madaxada Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhankooda saamayn kuleh Doorashadan ka qabsoomaysa Magaalada Garowe ee lagu doorayano Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.