Wararka Soomaalida

Magaalada Jigjiga oo ka xasiloon rabshadihii habeenada ay wajahaysay

Magaalada Caasimadda u,ah Maamulka Soomaalida itoobiya ee Soomaali State ee Jigjiga ayaa Wararka aan ka heleyno waxay sheegaan in hadda xoogaa xasilooni ah laga dareemayo kagadaal rabshadihii keenay dhimashada iyo dhaawaca ee habeenadaan ka dhacay Magaaladaas Jigjiga. Warku wuxuu intaas raacinayaa in banaanka looga saaray Ciidamadii Amxaarada ahaa ee xoogga ku soo galay Magaalada,soo gelintaankaas […]

Published

on

Magaalada Caasimadda u,ah Maamulka Soomaalida itoobiya ee Soomaali State ee Jigjiga ayaa Wararka aan ka heleyno waxay sheegaan in hadda xoogaa xasilooni ah laga dareemayo kagadaal rabshadihii keenay dhimashada iyo dhaawaca ee habeenadaan ka dhacay Magaaladaas Jigjiga.

Warku wuxuu intaas raacinayaa in banaanka looga saaray Ciidamadii Amxaarada ahaa ee xoogga ku soo galay Magaalada,soo gelintaankaas oo markii hore dheliyey ka dib markii dhalinyaro Soomaalidaas ah ay Shiideen ama ay dhagxaan ku weerareen gawaari ay la socdeen Baadariyiin Itoobiyaan ah oo cibaado la xiriirta Ciida Misiixiga uga socday Kaniisad ku taala duleedka Jigjiga ee Tog-wajaale.

Dhagxaantaas ay ku tuureen gawaarida dhalinyarada Soomaalida ah ayaa la sheegay in Muraayadaha ay ka riiqeen gawaarida ka dibna sidaas Ciidamada  Amxaarada oo degan goob aan ka fogayn meesha ay wax ka dhaceen dagaalka ku soo galay iyadoo markii dambe Magaalada Jigjiga la,isla soo galay.

Rabshadahaas dhexmaray dhalinyarada iyo Ciidamada oo xoogaystay ayaa markii dambe sabab unoqday in Magaalada oo dhan qas iyo jahwareer uu ka,abuurmo.

Ciidamada Luyuu boolis ee Soomaali State oo arrinta soo faragaliyey ayaa markii dambe u kacay arrintan iyagoo Jigjiga ku soo rogay Bandow habeen iyo maalin ah waxaa kaloo Ciidamadaas ay sameeyeen Ciidamadii Amxaarada ee soo galay Magaalada in Xeradoodii ay ku celiyaan.

Xaalada ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay ka degantahay habeenadii qaska iyo qaylada ee Jigjiga ka taagneed Ciidamadaas ayaa markii dambe soo saaray amaro lagu xalinayo Magaalada.

waxaa intaas dheer oo lanoo xaqiijiyey in shacabka laga qafiifiyey Bandowgii xiliyada qaar in kastoo xiliga habeenkii ah dhaqdhaqaaq fiican uusan kajirin Magaalada Jigjiga.

wixii Ku soo kordha kala socda insha,allah Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version