Community
Magaaladda St. Cloud oo ay ganacsato Soomaali ahi ka fureen xarrun lagu ganacsado
St. Cloud – Waxaa magaaladda St. Cloud ee ku taala gobolka Minnesota laga furay Capital Event Center oo ah ganacsi cusub oo ay ganacsato Soomaali ah ay leeyihiin.
Ganacasigan oo loogu magac daray Capital Event Center oo ah dhismo weyn oo loogu tallo galay xafladaha Aroosyadda, kullamadda bulshadda, shirarka iyo guud ahaanba munaasabahada noocyadda kala duwan leh ayaa maanta la daah-furay.
Xafladda lagu daah-furay ee xariga xarruntan ganacsi loogu jaray ayaa waxaa ka soo gayb galay marti kalla duwan ay kamid yihiin hogaamiyeyaasha magaaladda St. Cloud, qaar kamid ah bulshadda ku dhaqan magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis, magaalada St. Cloud, ganacsato, cullumadda, haween, dhallinyaro iyo gaar kamid ah siyaasiyiinta magaalada St.Cloud iyo magaaladda Minneapolis.
Haddaba waxaa aad loo boggaadiyey xarruntan ganacsi ee ay ganacsatadda Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen magaaladda St. Cloud. Daah-furka xarruntan ganacsi ayaa ah qaybtii koobaad, ganacsiga ayaa leh qayb kale oo loogu tallo galay in ay noqoto carwo ganacsi oo ay dukaamo iyo ganacsiyo kale duwan ku ganacsadaan oo iyaddana la filayo in mar dhow la daah-furo. Ganacsatada Soomaaliyeed ee iyagu ku bahoobay ganacsigan ayaa gatay oo iska leh dhismaha ay ka fureen ganacsigooda cusub.