Wararka Soomaalida
Magac cajiib ah oo loo bixiyey meeshii ay ku burburtay Ethiopian Airlines
Diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeing 737 Max 8 ee ku burburtay deegaan 62 KM ujira Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa 10-kii bishan Maarso ayaa maanta waxaa bulshada ku nool deegaankaas usameeyeen baroor diiq 157 ruux ee naftooda ku waayey shilkaas diyaaradeed. Tiradaas ku geeriyootay dhicitaankii Ethiopia Airlines Boeing 737 Max 8 ayaa waxay ka soo kala […]
Diyaaraddii Ethiopian Airlines Boeing 737 Max 8 ee ku burburtay deegaan 62 KM ujira Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa 10-kii bishan Maarso ayaa maanta waxaa bulshada ku nool deegaankaas usameeyeen baroor diiq 157 ruux ee naftooda ku waayey shilkaas diyaaradeed.
Tiradaas ku geeriyootay dhicitaankii Ethiopia Airlines Boeing 737 Max 8 ayaa waxay ka soo kala jeedeen 35 wadan oo caalamka ka mid ah.
Shacabka ku nool deegaanka ay ku dhacday diyaarada ayaa waxaa yihiin qoomiyadda Oromai waxayna ahaayeen dadkii ugu horeeyey ee arkay xiligii ay sii dhaceysay diyaarada waxayna gaareen goobta diyaarada ku soo dhacday.
Shacabkan Oromai ayaa deegaankaas bixiyey maanta magac cajiib ah waxaana luuqadda Oromai lagu yiraahdaa “Tulluu Farraa” oo micinaheedu tahay “Ayaan daran” waxayna sheegeen shacabka sababta ay ugu bixiyeen magacaas deegaankan in uu yahay mid cimiladiisu aad u xuntahay sida ay sheegeen shacabkaas.
Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo magaciisa la yiraahdo Lemma Baatirrii ayaa waxaa uu yiri”Tulluu Farraa waa meel aad u qabaw oo aan lagu noolaan karin,waxaa kaloo uu sheegay in joogga oo aad usareeya deegaankan ay adkaaneyso in aad ogaatid dhanka dabeesha ay kaajirto sidaas daraadeed waxay ugu yeeraan Tulluu Farraa”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Lemma Baatirrii.
Markii la xaqiijiyey in ay dhacday oo burburtay diyaarada Ethiopian Airlines Boeing 737 Max 8 ayna ku nafwaayeen rakaabkii diyaaradaas saarnaa ee gaarayey 157 qof ayaa waxaa go,aano isku mid ah ka qaatay isticmaalka Shirkadda diyaaradaas qaar ka mid ah wadamada caalamka.