Wararka Soomaalida

Mahdi Guuleed iyo Francois oo dalka Masar kulan mira dhal ah ku yeeshay

Published

on

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir kaga qayb galaya Magaalada Aswan ee dalka Masar ayaa magaaladaas kulan mira dhal ah kula qaatay Wasiirka arrimaha Dibadda Canada Francois Philippe iyagoo kulankooda ku rogrogay arimaha xiriirka labada wadan Canada iyo Soomaaliya.

Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Canada Francois Philippe ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtanimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Canada isla markaana ay islameel dhigeen arimihii ay ka wada hadleen.

Wasiirka arimaha dibadda Canada Francois Philippe ayaa sheegay in dhankooda ka soo baxayaan balan qaadka xoojinta xiriirka labada wadan Soomaaliya iyo Canada isagoo u sheegay Mahadi Maxamed Guuleed in dalkiisa Canada ay ku nool yihiin Soomaali farabadan isla markaana ay ku soo dhaweeyeen gacmo furan iyo magangelyo wanaagsan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Wasiirka arimaha dibadda Canada Francois Philippe ugu mahad celiyay sida wanaaga leh ee ay usoo dhaweeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.

“Waxaan kulan mira dhal ah dalka Masara kula qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Canada François Philippe Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xariirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dowladood”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Aswan ee dalka Masar.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay ka qayb galeen shirka Madasha Aswan FORUM ee ka dhacay magaalada Aswan ee dalka Masar kaasoo looga hadlayay arimaha horumarinta waarta ee Africa.

Trending

Exit mobile version