Wararka Soomaalida

Maleeshiyadii isku laysay Towfiiq iyo Af-Barwaaqo oo la kala dhax galay

Published

on

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo wax garadka gobolka Mudug ayaa sheegay in galabta Ciidamo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ay kala dhax dhigeen Maleeshiyadii isku dhameeyay deegaanada Towfiiq iyo Af-barwaaqo ee gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka Dhulka Saree Guuto Cabdixamiid Maxamed (Dirir) iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo looga arinsanayo sidii loo joojin lahaa  colaada ka taagan miiga Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee gobolka Mudug waxay la qateen Waxgaradka labada beelood ee maleeshiyadooda islausay waxayna ku guuleeysteen in ay kala qaboojiyaan beelahaas dagaalamay iyagoo sheegay inay soo gabagabeyn doonaan colaada u dhexeysa beelaha inta ay joogaan Gobolka Mudug

Maleeshiya beeleedyo ayaa dhawaan ku dagaalamay degaano hoostaga Af-barwaaqo iyo Towfiiq ee Gobolka Mudug maalmo ka hor waxaana ka dhashay dagaaladaasi Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada maleeshiyo ee dagaalkooda ka bilowday muran la xiriira dhul daaqsimeed halkaas ku yaala.

Trending

Exit mobile version