Wararka Soomaalida

Mancity oo garaacday Watford ciyaartii caawa

Published

on

Ciyaar adag ayaa caawa waxay dhaxmartay labada koox ee kala ah Mantcity iyo Watford ka dib markii ay ku wada ciyaareen Garoonka kubadda cagta ee Etihad Stadium iyadoo labada kooxba ay soo bandhigeen hab ciyaareedkooda cajiibka ah iyadoo taageeriyaasha labada koox ee ciyaarta daawanayay aad usoojiitay.

Mancity ayaa caawa ku galan-galatay Watford ka dib markii Goolal gaaraya 8-0 kaga badisay dhigeeda Watford ciyaartii caawa ku dhaxmartay Garoonka Etihad Stadium waxayna ahayd ciyaar,ciyaar dhaaftay.

Kooxda Mancity ayaa kusoo laabatay dhabaha guulaha waxeyna cagta mariyeen Watford oo ay kaga adkaadeen garoonka Etihad Stadium kulan ka tirsan Horyaalka EPL ka ee halkaas caawa ku dhaxmaryay Watford iyo Mancity.

Warford ayaa helin wax badis ah dhamaan kulamada Horyaalka EPL ka ee xilli ciyaareedkan waxa ayna tani u tahay guuldaradii 4-aad ee kasoo gaartay kulamada horyaalka halka qaybtii 2-aad kulan bar baro ah galeen.

City ayaa badisay caawa kulankoodii 4-aad ee horyaalka EPL ka halka ay kulan barbaro ah galeen midka kalana laga adkaaday Todobaadkii ina dhaafay.

Bernardo silva ayaa saddexleey ka dhaliyay Watford kulanka iyadoo De Bruyne David Silva Aguero Mehrez iyo Otamendi ay kala dhaliyeen 5 Gool halka seddaxda kale ay udhaliywen Mancity ciyaartoydooda kale.

City ayaa haatan ku jirta Kaalinta 2aad ee kala sareynta horyaalka EPL ka waxay haatan 2 dhibcood ka hooseeyaan Kooxda hogaanka heysa ee Liverpool oo kulan adag bari la ciyaari doonta Kooxda Chelsea Haddii ay liverpool soo ad-kaatana waxay noqon doontaa in 5 dhibcood oo nadiif ah horyaalka ku hogaaminaysa halka Mancity xagga dhibcaha looga horeeyo ama lahogaaminayo.

Trending

Exit mobile version