Wararka Soomaalida
Maraykanka oo Buuralayda Golis ku dilay Xubno Daacish ah
Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday Buuralayda Golis ee ku yaala deegaanada Gobolka Beri ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Kooxda Daacshista Soomaaliya looga dilay Xubno Saraakiil ah sida lagu sheegay War ka soo baxay AFRICOM. Diyaaradaha Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe duqeeyay Buuraha ku yaala Gobolka Beri gaar ahaan deegaan xero […]
Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday Buuralayda Golis ee ku yaala deegaanada Gobolka Beri ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Kooxda Daacshista Soomaaliya looga dilay Xubno Saraakiil ah sida lagu sheegay War ka soo baxay AFRICOM.
Diyaaradaha Maraykanka ayaa xalay saqdii dhexe duqeeyay Buuraha ku yaala Gobolka Beri gaar ahaan deegaan xero Ciidan uhayad Ururka Daacish kuna yaala gudaha Buuraha Golis loo yaqaano ee Gobolka Beri xili kooxdaas ku kulan sanaayeen xerada la duqeeyay.
War Saxaafadeed caawa ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay ku dileen labo Sarkaal oo ka mid ahaa Kooxda Daacish sida lagu xusay Warkan ka soo baxay Taliska AFRICOM ee Maraykanka.
Warka ayaa waxaa intaas lagu daray in howlgalkaas lagala kaashaday Dowladda federaalka Soomaaliya sidii loo qorsheeyayna uu u dhacay howlgalkaas ka dhacay Buuralayda Golis ee Maamulka Puntland.
Taliska AFRICOM ayaa waxay sheegeen in aaney jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool degaanka lagu dilay labada Sarkaal ee Daacishta ah ka dib markii diyaaradaha Maraykanka hawada sare ay ka duqeeyeen Xubnahaas la dilay sida lagu faafaahiyay war saxaafadeedkan ka soo baxay Taliska AFRICOM.
Ugu dambayn War saxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan ay noqonayso tii Shanaad oo laga fuliyo Buurahaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh lagu gaarsiiyo Kooxda Daashis ee halkaas ka howlgala.