Wararka Soomaalida

Maraykanka oo Ciidamo udaabulay Sucuudiga+Sawiro

Dowladda Maraykanka ayaa dalka Sucuudiga udaabulaysa Ciidamo aad uqalabaysan aadna ubadan ka dib markii uu xumaaday xiriirka qaar ka mid ah wadamada reer Galbeed iyo Dowladda iiraan sida laga baahiyay qaar ka mid ah Warbaahinta Maraykanka. Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bini Cabdulcasiis ayaa Maraykanka ka dalbay Ciidamo gaaraya 2,000 kun oo askari iyadoo hadda Magaalada […]

Published

on

Dowladda Maraykanka ayaa dalka Sucuudiga udaabulaysa Ciidamo aad uqalabaysan aadna ubadan ka dib markii uu xumaaday xiriirka qaar ka mid ah wadamada reer Galbeed iyo Dowladda iiraan sida laga baahiyay qaar ka mid ah Warbaahinta Maraykanka.

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bini Cabdulcasiis ayaa Maraykanka ka dalbay Ciidamo gaaraya 2,000 kun oo askari iyadoo hadda Magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ay gaareen Ciidan kabadan 1000 askari sida ay sheegeen Warbaahinta Maraykanka.

Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bini Cabdulcasiis ayaa saxiixay Ciidankan Maraykanka ah in dalkiisa ay ilaaliyaan iyadoo laga cabsi qabo haddii iiraan iyo Maraykanka dagaal uu dhaxmaro in saamayn uu ku yeesho Boqortooyada Sucuudiga sidaas awgeed si taas udhicin hadda Boqorka Sucuudiga Maraykanka uu ka dalbaday inay dalkiisa ilaaliyaan.

iiraan Maraykanka ka sokow waxay siyaasad ahaan ishayaan Sucuudiga waana tan keentay in Boqorka Sucuudiga uu Ciidan ka dalbado Maraykanka.

Dowladda Maraykanka ayaa hadda soo xiraysa Saldhigyadii Miletari ee uu ku lahaa Bariga dhexe sida Baxrayn,QATAR iyo Imaaraadka Carata iyadoo ubedelay Sucuudiga.

Ciidamadan hadda gaaray dalka Sucuudiga ayaa ah kuwo aad uqalabaysan waxayna haystaa Diyaaradaha dagaalka iyo hubka difaaca waxaana ka mid ah Diyaaradahaas nooca loo yaqaano Patriot iyo kuwo kale.

Ujeedada Ciidamadan Maraykanka loo geeyay Sucuudiga ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay tahay dalab horay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu jeediyay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bini Cabdulcasiis oo ahaa haddii Sucuudiga uu doonayo in Maraykan uu waardiyeeyo inay bixiyaan Malaayiin dollar.

Dalabkaas lacagta ah iyadoo laga duulayo hadda uu ogolaaday Boqorka Sucuudiga in Ciidamada Maraykanka ay ilaaliyaan wixii qarash ah ee Ciidankan ku baxayana Sucuudiga uu bixiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version