Wararka Soomaalida
Maraykanka oo duqeeyey Jamaame
Diyaaradaha dalka Maraykanka ayaa duqeyn ka gaystay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya 19-4-2019ka sida lagu xusay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Taliska Africom ee Maraykanka. Ciidamada Maraykanka,Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya,Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo wada jira ah ayaa lagu sheegay Warbixintan Maraykanka ka soo baxday in howshan qabsoomideeda ay iska […]
Diyaaradaha dalka Maraykanka ayaa duqeyn ka gaystay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose ee Soomaaliya 19-4-2019ka sida lagu xusay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Taliska Africom ee Maraykanka.
Ciidamada Maraykanka,Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya,Ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo wada jira ah ayaa lagu sheegay Warbixintan Maraykanka ka soo baxday in howshan qabsoomideeda ay iska kaa shadeen.
Degmada Jamaame ee Jubbada hoose ayaa waxaa maamula Al shabaab waxaana Taliska Maraykanka War-saxaafadeedka ayaa soo saareen ku sheegeen in Duqeyntan looga danlahaa sidii loo jebin lahaa Kooxda Al shabaab ee halkaas maamusho.
Warkan ka soo baxay Africom laguma sheegin in xubno Al shabaab ah lagu dilay ama lagu dhaawacay toona.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Africom ayaa sidan uqorneed.
Isku-duba ridida howlahan oo iska lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan sidii loo wiiqi lahaa al-Shabaab ayaa ciidamada Mareykanka waxay weerar ku qaadeen aagga Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose Soomaaliya April 19, 2019 sida lagu xusay Warkan ka soo baxay Africom.
“Laba sano ka hor Al-Shabaab waxay xoojisay heerka xorriyadda dhaqdhaqaaqa shacabka ku nool jamaame iyadoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhib weyn kubqabaan xukunka adag ee Kooxda awgeed ayaa waxay ka barakaceen Jamaame iyo deegaano kale ee ku yaalla Dooxada Wabiga Jubbada Hoose islamarkaana ku dhow Magaalada Kismaayo,anagoo wada jir ah sida Soomaalida iyo AMISOM ayaa go,aan lagu gaaray sidii kooxda xagjirka ah looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin si dib loogu soo celiyo dooxada webiga Jubba Shacabkii ku noolaa iyadoo la,abuurayo xoogag dagaal dhowr ah laga Al shabaab si looga guulaysto Al shabaab marka horese dhowr deegaan Waa in si deg deg looga saaro.
Wada hawlgalayaasha nabadgelyada Soomaaliya waxay dhiseen dagaalyahanno dagaal, waxaanay abuureen xasillooni dheeraad ah dooxada Jubba” ayuu yiri Gen.William West oo ah Agaasimaha Ku-xigeenka Afhayeenka Afrika.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale looga hadlay habka shaqo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhisay maamulkeeda gobalka,hawlgalka madaniga ah waxaana lagu tilmaamay mid aad u muhiim ah Taliska Africom waxay sheegeen in kaalin firfircoon ay ka gaysanaynaanhowlaha wanaagsan ee dowladda ay wado ee ku saabsan abuuritaanka xasillooni waarta islamarkaana muddo dheer lagu noolaan karo.
Taliska Maraykanka ee Africom ayaa sheegay in waqtigan xaadirkan ay qiimeyneynaa in qof rayid ah oo dhaawacmin ama ku dhimanin duqaymaha aan ku bartilmaamaysano Al shabaab.
“taliska AMISOM wuxuu sii wadayaa inuu la shaqeeyo lamaha amniga Soomaaliya si uu ugu wareejiyaan mas’uuliyadda amniga muddada fog ee ku aadan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya,Ciidamada Maraykanku ayaa waxay isticmaali doonaan dhammaan hababka wax ku oolka ah ee ku haboon ilaalinta dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ku aadan howlgalada militariga ee ka hortagga argagixisada ee ay wadaan AMISOM Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo Maraykanka”ayaa sidoo kale lagu soo gaba gabeeyey war-saxaafadeedka ka soo baxay Africom.