Wararka Soomaalida
Maraykanka oo duqeeyey Tooratoorow
Warbixin caawa ka soo baxday Taliska Maraykanka qaybta Africa ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in habeenkii Axada ee la soo dhaafay diyaaradaha Maraykanka ay duqeeyeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada hoose islamarkaana ay ku dileen xubno Al shabaab ah bisha May 5-5-2019. Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu xusay in howlgalkaas ay […]
Warbixin caawa ka soo baxday Taliska Maraykanka qaybta Africa ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in habeenkii Axada ee la soo dhaafay diyaaradaha Maraykanka ay duqeeyeen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelada hoose islamarkaana ay ku dileen xubno Al shabaab ah bisha May 5-5-2019.
Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu xusay in howlgalkaas ay hogaaminayeen saraakiisha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sidii ay ugu talagaleena howgalkaas uu udhacay xili habeen ahayd iyadoo gantaalada lala helay xubnaha Al shabaabka ahaa ee bartilmaameedka uu ahaa sida lagu sheegay warka Africom.
“Diyaaradaha Maraykanka ayaa duqeeyey goob ay ku kulan sanaayeen xuno Al shabaab ah waxaana halkaas ka dhacay khasaare aan yarayn meeshii ujeedka uu ahaa ayaana lagu hubsaday garneelada ay tuurayeen diyaaradaheena sidii aan uqorshaynay ayuu u dhacay howlgalkaas waxaana hogaaminayey saraakiisha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Jannaraal Gregg Olson oo ah Taliyaha Howlgalka Africom.
Howlgalkan ka dhacay Tooratoorow ee Shabeelada hoose ayaa waxaa warbixinta Maraykanka lagu xusin magac iyo tiro midna inta shaqsi ee Al shabaab ah ee ay ku dileen howlgalka Tooratoorow balse waxay xaqiijiyeen in duqeyn ay ku dileen xubno Al shabaab ah.
Warka Africom ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay qiimaynayaan haddii ay jiraan khasaaro dadka rayidka ah uu ka soo gaaray weerarkaas Al shabaabka lagu qaaday ee ka dhacay Tooratoorow sidoo kale ay soo shiigi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee Al shabaab ka soo gaaray weerarkaas iyo kan shacabka iyadoo howlgalkan uu dhacay waqti saq dhexe ah sida lagu sheegay warka Africom.