Wararka Soomaalida
Maraykanka oo duqeyn ku dilay Saraakiil Alshabaab ah
Ciidamadda Milatariga Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay in ciidamadooda gaarka ah weerar ay ku qaadeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen koonfurta Soomaaliya ay ku dhinteen labo Sarkaal oo Al shabaab ahaa iyo Ciidankii ay wateen. Saraakiisha Africom ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xubnahaas Al-Shabaabka ah uu ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose. AFRICOM […]
Ciidamadda Milatariga Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay in ciidamadooda gaarka ah weerar ay ku qaadeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen koonfurta Soomaaliya ay ku dhinteen labo Sarkaal oo Al shabaab ahaa iyo Ciidankii ay wateen.
Saraakiisha Africom ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xubnahaas Al-Shabaabka ah uu ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
AFRICOM ayaa sheegtay in dad rayid ah aan lagu dhaawicin ama lagu dilin weerarkaas xagga cirka ah.
War saxaafadeed laga soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay hadda dib ugu rasho ka samaynayaan Dooxada Wabiga Jubbada Hoose.
“Wada-hawlgaliyaashs nabadgelyada Soomaaliya waxay sameeyeen horumar xagga dagaalka ah anaguna waxaan abuuraynaa xasillooni dheeraad ah dooxada Webiga Jubba” ayuu yiri William West Agaasimaha ku xigeenka ahna afhayeenka howl-galka AFRICOM.
War-Saxaafadeedka ka soo baxay Africom laguma sheegin magac iyo jagooyin toona Saraakiisha Al shabaabka ah ee ay sheegayaan in ay ku dileen duqeyn.