Wararka Soomaalida
Maraykanka oo duqeyn ku dilay Sarkaal Al shabaab ah
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa habeenkii Isniinta oo taariikhda ku beegneed December 16-12-2019-ka waxay duqeyn ka fulisay deegaanka Dujuuma oo 6-KM ujira degmada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada dhexe xili halkaas uu marayay sarkaal Al shabaab ah sida lagu sheegay war ka soo baxay Africom.
Warkan ka soo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Taliska Maraykanka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ka dibna duqeyntaas sidii loo qorsheeyay ay u dhacday.
Taliska Africom ayaa sheegay in duqeyntaas ay ku dileen sarkaalka Al shabaabka ahaa oo kaliya isla markaana aaney jirin cid kale oo ku geeriyootay ama ku dhaawacantay xataa shacab sida lagu xusay warbixinta Africom.
“Waxaan duqeyn xagga cirka ah ka gaysanay deegaanka Dujuuma ee Gobolka Jubbada dhexe waxaan ku weerarnay xubin sare oo Al shabaab ah ujeedadii aan ka lahayn waa ka gaarnay diyaarada ayaa garnaylka la heshay sarkaalka Al shabaabka ahaa isagoo markaas doonayay inuu siigalo meel keyn ah laakiin waa ka gaarsiinay,wuuna dhintay waana hubnaa in kalagiis uu ku dhintay gantaalkaas waxaa guushaas gacan nagasiiyay Ciidamada Soomaaliya waana ugu mahad celinaynaa sida wanaagga leh ee ay noola shaqeeyeen waxaan cadaynaynaa in duqeyntaas kaliya aan ku dilnay Sarkaal Al shabaab ahaa isla markaana aaney jirin cid kale oo ku geeriyootay weerarkaas xataa shacabka “ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Africom.
Duqeyntan ay sheegteen Maraykanka ayaan wali waxaa ka hadlin Maleeshiyada Al shabaab sidoo kale Maraykanka masheegin sarkaal duqeynta ay ku dileen magaciisa iyo waxa uu u qaabilsanaa kooxda Al shabaab.