Wararka Soomaalida

Maraykanka oo duqeyn ku dilay Seddax ka mid ah Ururka Daacish

Diyaaradaha Maraykanka ayaa 26 bishan April duqeyn ka fuliyey buuralayda Golis ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno muhiim u,ahaa kooxda Daacish ee ka dagaalama deegaanada Bari ee Soomaaliya sida lagu xusay warbixin maanta ka soo baxday Taliska AFRICOM ee Maraykanka. Warbixintan ka soo baxday Taliska Maraykanka ee […]

Published

on

Diyaaradaha Maraykanka ayaa 26 bishan April duqeyn ka fuliyey buuralayda Golis ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno muhiim u,ahaa kooxda Daacish ee ka dagaalama deegaanada Bari ee Soomaaliya sida lagu xusay warbixin maanta ka soo baxday Taliska AFRICOM ee Maraykanka.

Warbixintan ka soo baxday Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in Seddax ka mid ah kooxda Daacis ay ku naf waayeen duqeynta Diyaaradaha Maraykanka ay ka gaysteen Buuraha Golis Jimcihii shalay.

Howlgalkan lagu dilay Seddaxda Daacjshta ah ayaa wuxuu ka dhacay Ceel biyood ku yaala inta udhaxaysa deegaanada Cameyra iyo Timirshe ee hoos yimaada Degmada Isku shuban  ee Gobolka Bari ee Puntland.

Howshan lagu dilay Seddaxda xubnood ee Daacishta ah ayaa waxaa warbixinta Maraykanka lagu sheegay inay kala kaa shadeen dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya,Taliska AMISOM iyo Maamulka Puntland ee deegaanada falkaas uu ka dacay maamula sida uu sheegay Jannaraal Gregg Olson oo ah Madaxa isku xirka howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya.

“Duqeynta diyaaradaha ee laga fuliyey Buuraha Golis ee Gobolka Bari Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaan ku dilnay Seddax ka mid ah xubnaha Ururka Daacish ee Soomaaliya ka dib markii aan xaqiijinay warbixintooda dhamaystiran,xiliga ugu haboon ee duqeynta lagu dilikaro iyo goobaha ay ku sugan yihiin,taasoo noo sahashay in aan si fudud ku dilno xubnahaas,howlgal mira dhalay ayuu ahaa waana ku guulaysanay in Seddax sarkaal oo Daacish ah aan duqeyn ku qaarijino”ayuu yiri  Jannaraal Gregg Olson Madaxa howlgelinta AFRICOM.

Howlgalkan lagu dilay Seddaxda xubnood ee Daacishta ah ayaa waxaa loogu mahadceliyey Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ka dib markii warbixinta raggan ay bixiyeen sida lagu xusay warkan ka soo baxay AFRICOM.

Duqeyntan Jimcihii la soo dhaafay ka dhacday Buuralayda Golis ee Gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay in looga gol,ahaa ka hortagida weeraro ay damavsanaayeen kooxda Daacish in ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Warbixinta Maraykanka ee duqeynta ah ee ay sheegeen inay ku dileen Saddax ka mid ah Ururka Daacish ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyey in warbixin kale oo dhamastiran ay ku faa,faahin doonaan magacyada Sedaxdan xubnood iyo jagooyinka ay ka hayeen Daacish.

Duqeyntan Jimcihii lagu dilay xubnahan Seddaxada ah ee kooxda Daacish ayaa waxay ku soo aadaysaa iyadoo sidaan oo kale duqeyn loogu dilay Hogaamiye ku xigeenkii Ururka Daacish Cabdixakiim Dhuqub 14 kii bishan April isla Buuralayda Golis ee Gobolka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version