Wararka Soomaalida

Maraykanka oo ku dhawaaqay xalinta muran Badeedka Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhex dhaxaad ka noqonayso muran badeedka udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Kenya iyadoo Kenya sheegatay qeyb ka mid ah dhul Badeedka Soomaaliya. Safiirka Maraykanka ee Dalka Kenya Kyle McCarter ayaa xaqiijiyay in Maraykanka uu doonayo in xiisadda labada dal lagu dhameeyo wada-hadal ka baxsan […]

Published

on

Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhex dhaxaad ka noqonayso muran badeedka udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Kenya iyadoo Kenya sheegatay qeyb ka mid ah dhul Badeedka Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka ee Dalka Kenya Kyle McCarter ayaa xaqiijiyay in Maraykanka uu doonayo in xiisadda labada dal lagu dhameeyo wada-hadal ka baxsan maxkamadda taasoo Soomaaliya ay horey u diiday.

Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya ufadhiya Kyle McCarter Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya ka soo baxa ayaa waxaa wax laga weeydiiyay Safiir haddaba muranka badda ee labada dal wuxuu yaalaa meel kale sida Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ maxaa ku jaban in meesheeda loo daayo ayaa wuxuu ku jawaabay.

“Waxaa hubaal ah in labada dal ay yihiin kuwo wax wadaag ah oo uu dagaal kala dhaxeeyo Ururka Al-Shabaab anaga waxaan si toos ah ugu jirnaa xalintooda waayo waa ay wanagsan tahay in la wada ilaaliyo deris wanaaga”ayuu yiri  Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya ufadhiya Kyle McCarter.

Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Maraykanka ee ku aadan inay dhex dhexaaadinayaan Soomaaliya iyo Kenya ee ka dhaxeeya muran dhinaca Badda ah ayaa kusoo aadaya xilli shalay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay shaacisay in  9 Bisha September ee sanadkaan 2019 mar kale dib u bilaaban doonto qaadista Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in hadalka ka soo yeeray Safiirka Maraykanka Kyle McCarter uu u muuqdo mid Kenya ay gadala ka riixeyso kaid markii ay fashilmeen cadaadisyadii ay Soomaaliya saartay Kaneya.

Kenya ayaa dalalka reer galbeedka u adeegsaneysa inay Soomaaliya ku qasabto wada-hadal ka baxsan maxkamadda Cadaaladda Aduunka iyadoo Kenya waxbadan rajo beel ka qabtay go,aanka ka soo bixi doona Maxkamada ICJ.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version