Wararka Soomaalida

Maraykanka oo sheegay in Ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya

War xalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka ee Bantigon ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Warku wuxuu intaas raaciyey in howlgalka Ciidamada Maraykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay joojinayaan iyo waliba Duqeymaha ay ku hayaan Maleeshiyaadka Al shabaab. Sidoo kale Warkan ayaa waxaa sheegay Saraakiil […]

Published

on

War xalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashandhiga Maraykanka ee Bantigon ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Warku wuxuu intaas raaciyey in howlgalka Ciidamada Maraykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay joojinayaan iyo waliba Duqeymaha ay ku hayaan Maleeshiyaadka Al shabaab.

Sidoo kale Warkan ayaa waxaa sheegay Saraakiil Maraykan ah oo Wareysi siiyay TVGA NBC ee Maraykanka laga leeyahay waxayna sheegeen Saraakiisha in ay ogaadeen Khatar badan oo ku soo wajahan dhinacooda oo ugu imaanaysa dhinaca Kooxda Al shabaab iyo ISIS qeebta Soomaaliya sidaas Awged Ciidamada Maraykanka ka jooga Soomaaliya ay kala baxayaan.

“Halista inaga soo wajihi karta Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaalama waa mid yar, waxaana duqeymo ku dilnay madaxdii ugu sareysay marar badan, markaan waxaa la joogaa markii gebi ahaanba aan ciidamadeena kala soo bixi lahayn” Saraakiil Mareykan ah ayaa sidaa u sheegay Tv-ga NBC.”

Saraakiisha Maraykanka ee jooga Soomaaliya ayaa u sheegay TVGA NBC in duqeymo ay ku laayeen Madaxda Al shabaab intoodii ugu badneed haatana umuuqanin Khatar sidaas uwayn oo Al shabaab ah sidaas awgeed lagaaray xiligii Ciidamadooda ay kala bixilahaayeen Soomaaliya.

Warkan ku aadan in Maraykanka Ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya sidoo kale ay joojinayaan  howlgalka xagga Duqeynta ah ayaa la sheegin xiliga rasmiga ah ee Ciidamada ay ka saarayaan Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version