Wararka Soomaalida

Maraykanka oo si rasmi ah u howlgaliyay Safaaradiisii Soomaaliya

Published

on

Dowladda Maraykanka ayaa maanta si rasimi ah dib ugu howgalisay Soomaaliya Safaaradii ay ku lahayd ka dib qoraal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka waxaana lagu sheegay in muddo dadaal ay soo wadeen sidii dib loogu furi lahaa safaaradooda maanta uhirgalay.

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Donald Yamamoto oo sheegay in tallaabada dib loogu aasaasay safaaradda ay dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa”ayuu yiri Donald Yamamoto Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya islamarkaana balan-qaaday in Mareykanka sii wadi doonno inuu saaxiib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in arrintan ay tahay tallaabo kale oo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay Somalia.

Safaaradda Maraykanka ee Somalia ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version