Wararka Soomaalida
Maraykanka oo war ka soo saaray Balli doogle
Safaarada Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay weerarkii qaraxyada iyo tooska iskugu jiray ee saaka Al-shabaab ku qaadeen xerada Bali-doogle oo ay degan yihiin ciidamo Maraykan ah iyo kuwa xoogga dalka.
Weerarkan oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa klu bilowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay albaabka xerada laga galo, waxaana xigay dagaalyahano hubeysan oo dagaal toos ah halkaas ka bilaabay.
Wasaarada gaashaandhiga Somalia ayaa sheegtay in weerarkaas la fashiliyey laguna soo afjaray 10 daqiiqo gudahood, waxayna wasaaradu intaas ku dartay in la laayey dhamaan dagaalyanadii halkaas weeraray inkastoo aysan sheegin wax tiro ah.
Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay iney gudaha u galeen xerada ay laayeen 100 askari oo iskugu jiray Maraykan iyo Soomaali isla markaana ay burburiyeen dayuurado loo adeegsan jiray duqeymaha iyo qalab kale oo halkaas yiilay.
Inkastoo hadalka Al-shabaab ay dad ku sifeeyeen mid si weyn looga badbadiyey ayeysan haddana jirin warar madax banana oo ka waramaya sida uu weerarkan u dhacay iyo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.