Wararka Soomaalida

Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska Ahlusunna iyo DFS

Published

on

Ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna heshiis ay wada gaareen ayaa waxaa soo dhaweeyay talaabadaasi heshiiska ah Dowladda Maratkanka.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo galabta soo saaray war Saxaafadeed ayaa wuxuu sheegay in dowladda maraykanka gacmo furan ay ku soo dhawetnayso heshiiska wax wada dhisida ah ee ay gaareen Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Dowladda dhexe iyo Ahlusunna ayaa waxay ku heshiiyeen in golaha cusub ee baarlamanka Galmudug Ahlusunna laga siiyo 20 Xildhibaan si loo dhisyo maamul loo dhan yahay.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa heshiiska wax wada dhisida ah ee ay wada gaareen Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab, waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska”ayuu yiri Donald Yamamoto.

Trending

Exit mobile version