Wararka Soomaalida
Marka oo siweyn looga dareemayo Soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha
Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Xasan Cali Khayre iyadoo faras magaalada lagu xardhay Boorarka sawirada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Bulshada ku nool magaalada Marka iyo maamulka Magaaladaas ayaa siweyn u sugaya wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyadoo dhowrkii maalin ee la soo dhaafay Lafta Gareen iyo Khayre socdaal shaqo ku marayeen deegaanada Maamulkaas Koonfur Galbeed uu ka aramiyo.
Magaalada Marka ayaa waxaa amaanka sugaya Ciidamada Maamulka Marka iyo Ciidamo laga diray Magaalada Muqdisho iyadoo magaalada dhinayacyada oo dhan ladhigay Ciidan sidoo kale gudaha magaalada Ciidan aad ufarabadan ku sugan yihiin waxaana aad loo xadiday dhaq-dhaqaaqa shacabka.
Maalinta bari ayaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqasho ku tagaan Magaalada Marka iyadoo waliba lafilayo in dhowr habeen ay ku hoydaan magaalada Marka sidoo kale intii halkaas ku sugan yihiin mashaariic ka soo filiyaan si bulshada ugu faa,iidaysato.