Wararka Soomaalida
Masaajid ku yaala LODON oo weerar lagu qaaday+sawiro
Nin ku hubysanaa Qoriga AK47-ka ayaa weerar ku qaaday Masaajid ku yaala xaafadda Seven Kings ee Magaalada LODON ee Caasimadda Ingiriiska xili lagu jiray Salaadda Taraawiixda. Ninkan hubaysan oo doonayey inuu gudaha ugalo Masaajidka ayaa waxaa ka hor istaagay dadkii ku cibaadaysanayey Masaajidka muran iyo isjii jiid ka dib waxaa iridda hore ee Masaajidka laga […]
Nin ku hubysanaa Qoriga AK47-ka ayaa weerar ku qaaday Masaajid ku yaala xaafadda Seven Kings ee Magaalada LODON ee Caasimadda Ingiriiska xili lagu jiray Salaadda Taraawiixda.
Ninkan hubaysan oo doonayey inuu gudaha ugalo Masaajidka ayaa waxaa ka hor istaagay dadkii ku cibaadaysanayey Masaajidka muran iyo isjii jiid ka dib waxaa iridda hore ee Masaajidka laga maqlay Rasaas xooggan.
Waxaa isku soo baxay Jameecadii Masaajidka oo ka argagaxay dhawaqa Rasaasta ka dhacday iridda Masaajidka intaas ka dib ayaa Jameecadii Masaajidka waxay ku wargeliyeen dhacdadaas Xarunta Booliska ee Xaafadda Seven Kings ee uu ku yaalo Masaajidka.
Ciidamadii Booliska ahaa inta aysan soo gaarin dhismaha Masaajidka ayaa waxaa la sheegay inuu cararay ninkii hubaysnaa ee rasaaseeyey Jameecada Masaajidka.
Rasaasta uu ku riday dadkii ka hor istaagay talaabadii uu damacsanaa ninkaas hubaysan ayaa la sheegay inuu ilaahay waxba ku gaarsiinin Muslimiintii ku jiray Salaadda Taraawiixda dhaawac iyo dhimasho toona.
Ciidanka Booliska LODAN ayaa ku raad jooga ninkaas ku hubaysan Qoriga AK47-ka ee damacsanaa inuu laayo Muslimiinta ku cibaadaysanaysa Majaasidkaas ku yaala Xaafadda Seven Kings ee Magaalada LODON.
Dhacdadan ayaa waxay dhacday xalay xiligii Taraawiixda lagu jiray Masaajidkaas ee ku yaala Magaalada LODON ee Caasimadda dalka Ingiriiska.