Wararka Soomaalida

Mashruucii QATAR oo bilowday

Waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa maanta laga bilaabay dib udayactirka Mashruuca dowladda QATAR ay maalgalinayso islamarkaana ay dhisayso Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Dhismaha waddadan ayaa wuxuu yahay qeyb ka mid ah mashruucii dowladda QATAR ay balan qaaday sanadkii  2017-dii ee ahaa inay dhisayso waddooyinka isku xira muqdisho iyo Afgooye iyo jowhar. Dhismahaas […]

Published

on

Waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa maanta laga bilaabay dib udayactirka Mashruuca dowladda QATAR ay maalgalinayso islamarkaana ay dhisayso Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Dhismaha waddadan ayaa wuxuu yahay qeyb ka mid ah mashruucii dowladda QATAR ay balan qaaday sanadkii  2017-dii ee ahaa inay dhisayso waddooyinka isku xira muqdisho iyo Afgooye iyo jowhar.

Dhismahaas ayaa waxaa uu ka bilowday Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho iyadoo ilaa degmada Afgooye la sii wadayo dib udayactirka waddada.

Dadka ku dhaqan Xaafadaasi ayaa saaka ku waabariistay Ciidan jaray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyadoo Gawaarida ka timaada Afgooye bar cayiman loogu dhigay duleedka Xerada Asluubta gaar ahaan meesha loo yaqaano Sarkuusto halka kuwa ka baxa Muqdishana ay bar cayiman utahay meel aan ka fogayn iyadoo inta udhaxaysa uu ka bilowday dhismahaas.

Laamiyada isku xira Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar ayaa waxaa la damacsan yahay in loo dhiso hab casri ah waxaana la saari doonaa Laami caalami ah.

 

Dhismaha wadooyinkaaani ayaa waxaa kacayaa lacag dhan $200.milyan oo dollar waxaana qorshuhu uu yahay in muddo seddax bilood ah lagu dhiso labada waddo ee shabeelooyinka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa horay Mashruucan udaah furay 18 Juun ee sanadkan 2019-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version