Wararka Soomaalida

Masjidka Abuu hureyra oo howlgal ka dhacay

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta howlgal balaaran ka sameeyey Masjidka Abuu-Hureyra ee ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho salaadii Casir ka dib. Ciidamadan ayaa si deg deg ah iskuuga gedaamay dhismaha Masjidka intii lagu jiray Salaada Casir waxaana Ciidamada ay xireen dhamaan wadooyinka yar yar ee soo gala Masjidka. Jameecadii […]

Published

on

Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta howlgal balaaran ka sameeyey Masjidka Abuu-Hureyra ee ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho salaadii Casir ka dib.

Ciidamadan ayaa si deg deg ah iskuuga gedaamay dhismaha Masjidka intii lagu jiray Salaada Casir waxaana Ciidamada ay xireen dhamaan wadooyinka yar yar ee soo gala Masjidka.

Jameecadii Masjidka ayaa mar qura ka war helay in Ciidamo ay ku gedaaman yihiin waxaana Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka markii dambe gudaha ugaleen Masjidka iyagoo baaritaan qaatay labo saac ku sameeyey seddaxda dabaq ee dhismaha uu ka kooban yahay iyo gudaha Masjidka Abuu-Hureyra.

Baaritaankaas ka dib ayaa Ciidanka waxay ka soo ka xeeyeen halkaas Imaamkii Masjidka Abuu-Hureyra kaasoo lagu magacaabo Macalin Cabdiraxmaan Guure iyadoo Ciidamada la sheegay in Jameecadii Masjidka ka raali geliyey intii howlgalka uu socday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta keentay howlgalkan Masjidka Abuu-Hureyra galabta la dhacay iyo soo qabashada Imaamkii Masjidkaas.

Warka hore ayaa wuxuu sheegaya in maalmahanba Masjidka lagu qabanayey Muxaadarooyin kala duwan oo cinwaanadooda ay ahaayeen arrimaha Jihaadka iyo dagaalka ka socda Soomaaliya ee Diinta ku saleysan iyadoo Muxaadarooyinkaas ay bixinayeen rag ka yimid deegaanada ay maanulaan Al shabaab sida aan Wararka ku helnay.

Warka xiga ayaa sheegaya in mararka qaar Masjidkaas ay ku soo dhuuntaan saraakiil Al shabaab ah habeeno badan ka dibna ku laabta deegaanadii ay ka yimaadeen iyadoo saraakiishaas Al shabaabka ah la sheegay in Masjidka ka fushada barnaamijyada ay u yimaadeen Muqdisho.

Wixii warar ah ee ku soo kordha Warkan cusub kala socda insha Allah Wargayska Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version