Wararka Soomaalida

Mas,uul sare oo lagu dilay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabelle Siciid cumar xasan subeyr. Marxaamka ayaa waxaa lagu dilay xaafad ka mid ah degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir xili uu ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo laga cabo shaah ka dibna weerar ku soo qaaday dablay hubaysan. Dablaydan ayaa […]

Published

on

Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabelle Siciid cumar xasan subeyr.

Marxaamka ayaa waxaa lagu dilay xaafad ka mid ah degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir xili uu ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo laga cabo shaah ka dibna weerar ku soo qaaday dablay hubaysan.

Dablaydan ayaa dad goobjoogiyaal ah waxay Wargayska Tusmotimes usheegeen inay ahaayeen shan dhalinyaro ah oo ku hubaysnaa Bastoolado mar qura ay ka war heleen rasaas dhinacyo kala duwan ugu soo dhacaysay.

Siciid cumar xasan subeyr ayaa la sheegay in cabaar uu isdifaacayay oo kooxdaas ku dhici waayeen ama uu iska celiyay laakiin tiisa oo dhamaatay awgeed markii dambe kooxdaas oo shan ahaa bastooladana ku wada hubaysnaa dhinacyada ka soo weeraray sidaasna uu ku dilay marxuumka.

Siciid Cumar Xasan Subayr ayaa goobjoogiyaasha waxay inoo sheegeen in uu haystay Bastoolad laakiin dablayda oo ka badnaa awgeed ka xoog batay ka dibna xaruntii shaaha lagu dilay iyagoo horay uqaatay Bastooladii sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version