Wararka Soomaalida
Mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabelle oo Qarax lagu dilay
Inta udhaxaysa degmooyinka Balacad iyo Jowhar ee Gobolka shabeelada dhexe ayaa maanta waxaa qarax lagu dilay labo mas’uul oo ka tirsanaa maamulka Hirshabelle ka dib markii gaari ay saarnaayeen la kacday Miino wadada dhinaceeda ku aasneed.
Mas’uuliyiintan ku dhintay qaraxaasi ayaa ka ambabaxay degmada Balcad waxayna ku wajahnaayeen degmada Jowhar sida uu inoo sheegay mid ka mid ah Golaha Baarlamanka Hirshabelle waxaana kala ahaayeen Gudoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee Maamulka Gobolka shabeelada dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo wasiirkii hore Ganacsiga ee Maamulka Hirshabelle Sabriye Cismaan Xasan Baldoos.
Haddaba geerida raggan ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare wuxuuna yiri”Inaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed Gaar ahaan Reer Hirshabelle ay ka geeriyoodeen Mas’uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana shahiiday”ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Dhinaca kale mas’uuliyadda qaraxan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab iyagoo sheegay in guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulaahi Shitaawe iyo wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabelle Sabriye Cusmaan Xasan Baldoos iyo saddex askari oo ilaalo u ahaa qarax miino maanta ay ku dileen inta udhaxaysa Balcad iyo Jowhar ee shabeelada dhexe.