Wararka Soomaalida

Maxaabiis laga soo daayey dalka iiraan oo ku soo fooleh Muqdisho

Dalka iiraan ayaa waxaa laga soo daayey Maxaabiis Soomaali ah waxayna maalinta beri ah ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho sida bartiisa Facebook uu ku soo qoray ambassador Awliyo. Tirada maxaabiistan laga soo daayey dalka iiraan xabsiyadooda wali lama sheegin laakiin waxaa la sheegay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirxirnaa xabsiyada dalka iiraan ay ka […]

Published

on

Dalka iiraan ayaa waxaa laga soo daayey Maxaabiis Soomaali ah waxayna maalinta beri ah ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho sida bartiisa Facebook uu ku soo qoray ambassador Awliyo.

Tirada maxaabiistan laga soo daayey dalka iiraan xabsiyadooda wali lama sheegin laakiin waxaa la sheegay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirxirnaa xabsiyada dalka iiraan ay ka soo daysay dowladda Soomaaliya berina loogu diyaar garoobayo soo dhaweyntooda Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Horay dowladdan waxay ugu guulaysatay in wadamo ka badan 8 dal ay ka soo dayso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa wadamadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version