Wararka Soomaalida

Maxaabiista Xabsiga dhexe iyo Naafada Martiini oo la gaarsiiyey deeq+sawiro

Maxaabiista farahabadan ee ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar islamarkaana iskuuga jira Rag iyo Dumar ayaa maanta nasiib uhelay inay deeq uhelaan Dhar,Raashiin iyo Xoolo nool si ay ugu soomaan raashiinka xoolaha iyo dharkana ay ugu Ciidaan. Deeqdaas noocyada kala duwan iskuuga jirta ayaa maxaabiistaas waxaa gaarsiisay Hay,adda HOORMUUD FOUNDATION ee ku lamaansan Shirkadda isgaarsiinta […]

Published

on

Maxaabiista farahabadan ee ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar islamarkaana iskuuga jira Rag iyo Dumar ayaa maanta nasiib uhelay inay deeq uhelaan Dhar,Raashiin iyo Xoolo nool si ay ugu soomaan raashiinka xoolaha iyo dharkana ay ugu Ciidaan.

Deeqdaas noocyada kala duwan iskuuga jirta ayaa maxaabiistaas waxaa gaarsiisay Hay,adda HOORMUUD FOUNDATION ee ku lamaansan Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Gudoomiyaha Hay,adda hormuud foundation Cabdulaahi Nuur Cismaan oo sharaxay deeqday ay ugu talo galeen Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa sheegay in deeqda ay ka kooban tahay Boqol loor oo Bur ah, Boqol Loor oo Bariis ah, Boqol loor oo Sokor ah, Kun Litter oo Saliid ah, Shan Jawaan oo Caleenta shaaha ah,Toban Kartoon oo Cabitaan ah, Afar kun oo kilo oo Timir ah, Shan Neef oo Geela nuuca birimada ah iyo Dharkoodii ciidda oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Cabdikariin Cali Afrax oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ka gudoomay deeqdan nooc walbe leh ee soo gaarsiisay Hay,adda Hormuud Foundation islamarkaana ugu talo gashay maxaabiista wuxuu ku amaanay Hay,adda doorkooda bulshada iyo sida ay xili walba uga war hayaan maxaabiista ku jirta Xisbiga Dhexe ee Muqdisho.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qayb ka ahayd madaxdii lagu wereejiyey deeqdaas Maryan Aadan Amiin ka dibna hadal ka jeedisay goobta ayaa sheegtay in munaasabaddan ay tahay tii saddaxeed oo ay ka qeyb gasho, waxeyna ku ammaantay Hay’adda Hormuud Foundation inay tahay hay’adda kaliya ee isu xilqaantay taakuleynta Dadka Gargaarka u baahan ee Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxda Hay’adda Hoormuud Foundation ayaa sidoo kale Deeq isugu jirta Lacag Dollar ah iyo Timir iyo Raashiinba waxay Maanta gaarsiiyeen Ciidamada Naafada Xoogga Dalka ee ku jira Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho si iyana ay ugu soomaan bisha Soon maadaama ay yijiin dad ubaahan kaalmada bini,aadanimo.

Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah Mas,uulka ugu sareeya hay,adda Hormuud Foundation oo sidoo kale saxafiyiinta kula hadlay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho ayaa sheegay inay lacag dollar ah iyo raashiinba ay ku wareejiyeen naafada si ay wax ugu qabsadaan inta lagu jiro bisha Ramadan sidoo kale wuxuu sheegay inay timir soo gaarsiin doonaan labo cisho gudahood Isbitaalka Martiini.

Ciidamada Naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini ayaa deeqdaas ka mahadceliyey waxayna sheegeen in xagga noloshooda aad uliidatay maalmahan inta hadda lagalay bisha soon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version