Health

Maxaad ka taqaan Faa’iidooyinka Kala Durkinta Carruurta

Published

on

Waxaa magaalada Minneapolis lagu qabtay kulan waalidiinta iyo bulshadda Soomaaliyeed looga wacyi gelinayo faa’iidooyinka ay leedahay kala durkinta carruurta iyo qaabka ugu wanaagsan ee uu qoysku u qorsheynkaro, go’aana uga qaadan karo kala durkinta carruurta.

Ha’yadda WellShare International oo ka shaqaysa adeegyadda caafimaadka, gaar ahaan wacyi gelinta iyo tababaradda la xiriira arrimaha caafimaad ee qoyska, ka hortaga iyo badbaadada bulshadda ayaa soo qaban qaabisay kulankan lagu wacyi geliyay waalidiinta Soomaaliyeed. Kulankan waalidiinta iyo Soomaalida lagu barayey faa’iidooyinka ay leedahay in carruurta laka durkiyo ayaa waxaa iska kaashaday WellShare International iyo Masaajidka Darul Hijra, waxaana lagu qabtay xarunta shirarka ee Masaajidka Darul Hijra ee magaalada Minneapolis.

Cadar Kaahin iyo Abdirahman Mohamud oo iyagu agaasima Barnaamijyadda Wacyigelin Caafimaadka ee  Ha’ayadda WellShare International ayaa kala hadlay qorsheynta qoyska ee la xiriirta kala durkinta carruurta iyo faa’iidooyinka ay leedahay dadkii ka soo qayb galay kulanka oo iskugu jiray haween iyo rag iyagu u baddan waalid.

Cadar Kaahin oo iyaddu khibrad iyo waayo aragnimo mudo baddan ah u leh wacyigelinta bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan wacyigelinta caafimaadka ayaa dadkii goobta joogay u sheegtay tallooyin xaqiiq ah oo xambaarsan ahmiyadda ay leedahay in lakala durkiyo dhalitaanka carruurta.

Cadar Kaahin oo iyadu hooyo ah ayaa sheegtay in haddii carruurta lakala durkiyo ay hooyadu heli doonto awood iyo tamar ku filan oo ayna ka badbaadi doonto niyad jabka iyo welwelka ka yimaada foosha iyo umusha ay marto marka ay hooyadu dasho. Daryeelka Hooyadu waa muhiim, hooyadu nasniinyo iyo raaxo ayeey u baahan tahay ayeey tiri Cadar Kaahin.

Sidoo kale Cadar Kaahin ayaa tiri, “Hooyada ayaa heli doonta waqti ku filan in ay cunuggeeda ay la sameyso xiriir adag, kalgacal dhermara iyadda iyo carruurteeda, taas oo kobcin karta maskaxda  iyo koritaanka wanaagsan ee carruurta”.

Sheekh Abdirahman Shariif oo isagu Imam ka ah masaajidka Darul Hijra oo ah goobtii lagu qabtay kulankan wacyigelinta caafimaad ah ayaa isaguna sheegay in ay diinta Islaamku ka hadashay daryeelka iyo caafimaadka la xiriira hooyada iyo carruurta iyo qoyskaba. Sheekh Abdirahman ayaa sheegay in ay jiraan qaabab kala duwan oo loo koriyo carruurta, loona kobciyo qoyska.  “Islaamku wuxuu u yimid danta guud ee bini-aadamka, Nabi Mohamed (ASW) ayaa yiri haddii aad aragtaan wax ay faa’iido idiinku jirto waad samyn kartaan”, ayuu yiri Sheekh Abdirahman.

Sheekh Abdirahman Shariif ayaa sheegay in ay diinteenu dhiiri geliso qorsheynta qoyska iyo kala durkinta carruurta. Wuxuuna sheekh Abdirahman sheegay in diintu ay farto hooyadu in ay cunuga naas nuujiso mudo labbo sanno ah. “Cunugga wuxuu heli doonaa in uu naas nuugo waqtigii ilaahay ugu talagalay ee labadda sanno ahaa, taasoo la ogaaday naasnuujinta dhameystiran in ay faa’iidooyin aan la soo koobi karin u leedahay korriinka jirka iyo maskaxda carruurta” ayuu yiri sheekh Abdirahman.

Halista ka timaada carruurta isku xig-xigta:

Waxaa jira haliso baddan oo xag Caafimaad Hooyadda iyo Cannuga uga imaan karta marka la isku xijoyo carruurta. Waxaa dhici  karta oo halis ah in Hooyadu ay dhasho cunug Dhicis ah, tabar yari awgood in ay foosha hooyadu ku dhibtooto ama ay ummul raacdo.

Faa’iidooyinka Kala Durkinta Carruurta

Cunugga oo safiican u kori doonaa maadaama hooyadu ay siineyso daryeel ku filan oo aanan kaga mashquulaynin cunug kale oo ay ka daba dhashay ama ay isku wakhti korinayso.

Cunugga ayaa hela caafimaad buuxa maadaama ay hooyadu ay u nasatay, iyada oo nafaqo ku filan jirkeedu leeyahay ay uur qaaday.

Carruurta ay da’ ficcan u kala dhaxayso, way ka diyaargarow wanaagsan yihiin xagga waxbarashadda iskuulka carruurta kale ee la isku xijiyo.

Koboca maskaxda iyo sahlanaanta barashadda xirfadaha ayaa u fududaada carruurta ay waqti fiican oo ay ku koriyaan inta ay yaryar yihiin u heleen waalidoontooda, gaar ahaan hooyada.

Cunugga ayaa waqti fiican u helaya in uu ku dhex koro qoys waqti iyo jaceyl iyo xiriir adag ka dhex samaysmi karo, maxaayeelay caruurta isku xigxiga hooayda waxay ku qasbanaataa in caruurta wayn ay u deyso kuwa naaska laga gooyay taasoo ka imaato isfahan la’aan iyo dagaal, cunuggane wuxuu ku koraa niyadjab iyo naceeb.

Hooyada iyo aabaha waxay isku helaan iyagane waqti fiican taasoo kolkoolinaysa jaceelkooda iyo isgacan qabashada korriinka caruurta, waxay kaloo waqti u heli karaan howlahooda kale.

Qoyska caruurta kal fogeeyo way ku yartahay is qabqabsiga iyo dhibaatada dhaqaalo maareynta.

Shaqaalaha Ha’yadda WellShare International oo ay kamid ahaayeen Abdullahi Kaahin, Abdirahman Mohamud iyo Cadar Kaahin ayaa dadkii iyo waalidkii ka soo qayb galay kulankan la wadaagay macluumad xambaarsan tallo bixin iyo akhbaar tifatiran oo lagu qeexay sida ugu haboon ee ay ku heli karaan warbixin la hubo oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ku haboon kala durkinta carruurta iyo qorsheynta qoyska.

Haddaba Sheekh Abdirahman oo soo geba-gabeeyay kulan wacyigelinta iyo aqoon is weydaarsiga ah ayaa yiri, “Ilmuhu in ay kala koraan, hooyadda, qoyska iyo bulshadda ayeey faa’iido ugu jirtaa”.

Sidoo kale Sheekh Abdirahman ayaa yiri, “Carruur badan oo tiro baddan balse aan tayo lahay, waxaa ka muhiimsan in yar oo tayo leh, waxaanan rabnaa inta yare e tayadda leh”.

Trending

Exit mobile version