Local News

Maxamed Nuur oo diiday in uu denbiile yahay

Sarkaal Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah u diidey in uu danbi galay, si ula kac ahna uu u dilay haweenayda Justine Ruszczyk Damon ee uu isaga oo shaqo ku jira toogtay bishii July 2017. Maxamed Nuur oo maanta maxkamad hor yimid ayaa isaga iyo qareenkiisuba waxay diideen in uu Maxamed Nuur denbiile yahay, waxayna […]

Published

on

Sarkaal Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah u diidey in uu danbi galay, si ula kac ahna uu u dilay haweenayda Justine Ruszczyk Damon ee uu isaga oo shaqo ku jira toogtay bishii July 2017.

Maxamed Nuur oo maanta maxkamad hor yimid ayaa isaga iyo qareenkiisuba waxay diideen in uu Maxamed Nuur denbiile yahay, waxayna makamada si rasmi uga sheegeen in uuna Maxamed si ula kac ah u gelin danbiga lagu soo oogay ee ah dilka haweenayda Justine Ruszczyk Damon.

Sidoo kale Garsooraha Kathryn Quaintance ayaa sheegtay in xeer-ilaaliyeyaasha dacwada ku soo oogay Maxamed Nuur ayna isticmaali karin “falal hore” ama wixii khaladaad hore ee uu Maxamed Nuur horey u sameeyay intii uu ah sarkaal katirsan ciidanka bilays  magaalada Minneapolis.

Maxkamadda uu maanta Maxamed Nuur si rasmi ah uu ugu sheegay in uuna wax dembi ah gelin, uuna ku diiday dacwada lagu soo oogay in uu si ula kac ah ugalay dilka haweenayda Justine Ruszczyk Damon ayaa soo af-jartay maxkamadihii horu dhaca u ahaa dambiga lagu soo oogay Maxamed Nuur.

Maxkamada rasmiga ah ayaa bilaabanysa mudo 30 cisho kadib ah ama 1-da bisha April ee fooda nagu soo haysa.

Maxamed Nuur iyo qareenkiisa ayaa maxkamada ka sheegay in uusan galin denbi la xiriira eedeymaha lagu soo oogay ee loo haysto,  laakiin waxa uu tilmaamay in ay naftiisu halis ku jirtay oo isagu is difaacayey, taasina ay ka dhigayso denbiile.

Garsooraha u xil saaran dacwada ka dhanka ah Maxamed Nuur Quaintance ayaa sheegtay in ay soo saari doonto xukun goor dambe ah in qareenada dacwada ku soo oogaya Maxamed Nuur ay isticmaali karaan khabiir ka hadla is difaaca ama xooga qofka shicibka ah lagu maquuniyo si uu uga markhaati kaco maxkamada dhacaysa bisha Abriil 1-deeda.

Haddaba maxkamadan iyo dacwada ka dhanka ah sarkaal Maxamed Nuur ayaa ah mid aad loo sugayo, in badan oo kamid ah shicibka iyo warbaahinta gobolka Minnesota iyo guud ahaanba dalka Mareykana laga hadal hayo.

Wixii akhbaar dheerad ah eek u soo kordha maxkamada iyo dacwada la xiriirta sarkaal Maxamed Nuur kala soco Wargeyska Tusmo Times.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version