Wararka Soomaalida

Maxkamada ICJ oo war canaan ah ujeedisay Kenya iyo Soomaaliya

Published

on

Maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ ayaa maanta soo saartay war digniin ah oo ku socda labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya kuna saabsan arimaha dacwada badda ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa usheegtay labada dowladood in wax dib udhigis ah hadda wixii ka dambeeya dhici doonin la,isku soo halayn karin ayna usoo diyaar garoobaan labada wadan dacwada badda ee udhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya ayna ku yimaadaan xiliga loo balamay oo ah Juun 2020-ka.

Warkan caawa ka soo baxay ICJ ayaa waxaa lagu cadeeyay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya awood ay uleedahay inay qaado oo si cadaalad ah ku dhamayso ka dib markii dowladda Kenya sheegtay in ICJ awood ulahayn inay qaado dacwadda Badda.

ICJ ayaa warka ay soo saartay waxay ku sheegtay in dacwada badda labada dowladood ay ku xalin waayeen qaab Diplomatic ah sidaas awgeed hadda Kiiskan xal ka gaaristiisa ay u taalo Maxkamadda ICJ warkale oo mardambe la,iskuuga imaanayana aanay jiri doonin ilaa laga gaaro xilga loo balamay oo ah sannadka cusub bisha Juun 2020 ka.

Warkan canaanta ah ee ay soo saartay Maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ ayaa wuxuu ku wajahan yahay dowladda Kenya oo dhowr jeer maxkamada ku cadaadisay in dib loogu dhigo lagana yeelay laakiin hadda maxkmada warkeeda uu cad yahay.

Trending

Exit mobile version