Local News

Maxkamada Maxamed Nuur oo billaabmaysa iyo xanibaad la saaray warbaahinta

Waxaa maalinta Isniinta ah ee ay bisha April tahay 4/1/2019 magaalada Minneapolis ka billaabanaysa maxkamada Sarkaal Maxamed Nuur oo in mudo ahba la sugayay. Garsooraha u xil saaran dacwada ka dhanka ah Maxamed Nuur Kathryn Quaintance ayaa maanta sheegtay in ay xanibayaan oo ay yareynayaan tiradda suxufiyiinta, warbaahinta iyo dadweynaha ka soo qaybgeli kara ama […]

Published

on

Waxaa maalinta Isniinta ah ee ay bisha April tahay 4/1/2019 magaalada Minneapolis ka billaabanaysa maxkamada Sarkaal Maxamed Nuur oo in mudo ahba la sugayay.

Garsooraha u xil saaran dacwada ka dhanka ah Maxamed Nuur Kathryn Quaintance ayaa maanta sheegtay in ay xanibayaan oo ay yareynayaan tiradda suxufiyiinta, warbaahinta iyo dadweynaha ka soo qaybgeli kara ama imaan kara wakhtiga ay maxkamadu socoto.

Garsoore Kathryn Quaintance ayaa xanibaadan sabab uga dhigay in la rabo in qolka maxkamada ama goobta ay maxkamadani ka dhacayso ay ahaato meel xasilan oo gar iyo maxkamad cadaalad ah ay ka dhici karto.

Sarkaal Maxamed Nuur ayaa loo haystaa dacwo la xiriirta dil uu u geystay Damon isaga oo shaqo ku jirana toogtay bishii July 2017.

Sarkaal Maxamed Nuur iyo haweenayda Justine Ruszczyk uu toogasho ku dilay isaga oo shaqo ku jira.

Maxkamada la saarayo Maxamed Nuur ayaa ah mid taariikhi ah oo ku cusub nidaamka cadaalada dalka Mareykanka. Waa markii u horeeysay ee taariikhda gobolka Minnesota ee dacwad lagu soo oogo sarkaal kamid ah ciidanka bilayska, dacwadaas oo la xiriirta dil uu geysto qof sarkaal ah isaga oo shaqo ku jira.

Haddaba Garsoore Kathryn Quaintance ayaa xanibtay tiradda warbaahinta, dadweynaha iyo weliba tiradda dadka uu qaadi karo golka maxkamada lagu qabanayo. Waxaa mudada ay maxkamadu socoto loo ogol yahay 8 suxufi iyo 11 qof oo ah dadweyanaha imaan kara wakhtiga ay maxkamadu socoto.

Maxkamada ayaa si rasmi ah u bilaabanaysa maalinta Isniinta ah ee ay bisha April tahay 4/1/2019. Wixii akhbaar dheerad ah ee ka soo baxa maxkamada sarkaal Maxamed Nuur kala so Wargeyska Tusmo Times.

Xigashadda sawirka: MPR

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version